Canada :- Nin la ogaaday in uu Alshabaab ka tirsanyahay kadib markii uu dharkiisa doobi geeyey

Canada :- Nin la ogaaday in uu Alshabaab ka tirsanyahay kadib markii uu dharkiisa doobi geeyey

daajis.com:-Wuxuu doonayay in uu dharkiisa oo ka wasaqoobey dhaqo, wuxuu geeyey meel doobi ah oo dharka lagu dhaqo magaalada Toronto ee dalka Canada, balse shaqaalaha goobta uu dharka geeyey ayaa waxa ay jeebkiisa ka heleen aalad ka mid ah kuwa macluumaadka lagu keydiyo oo ay ku duubanyihiin siyaabaha loo sameeyo waxyaabaha qarxa.


Kadib aaladdii ayaa loo geeyey Police-ka, iyada oo Police-ka ay ninkii dabo dhigeen nin sirdoonka ciidanka ka tirsan oo iska dhigayay in uu doonayo in uu ku biiro kooxaha argagixisadda, kadibna la saaxiibey ninka Soomaaliga ah ee isagu laga shakisanaa.

Xiriirkooda markii uu socdey muddo sanooyin ah ayaa ninkii Soomaaliga ahaa lagu qabtay garoonka dayuuradaha ee Toronto, halkaasi oo uu kusii jeedey Soomaaliya isaga oo doonayay in uu ku biiro Alshabaab.

Maxamed Xirsi ayaa maanta lasoo taagay maxkamad ku taala dalka Canada, wuxuuna noqonayaa qofkii ugu horeeyey oo loo heysto falal la xiriira Alshabaab.

Warar si qarsoodi ah looga duubey ayaa waxaa ka mid ah qirashooyin uu sameeyey oo ah in uu jecelyahay hawlaha Alqaacidda, isagoo akhrin jirey majaladda Alqaacidda ee Inspire loo yaqaano, wuxuuna aad oga heli jirey maqaal dadka ku guubaabinaya in ay weeraraan reer galbeedka, islamarkaasina dhacaan hantidad dadka aan muslimka ahayn.

Waxaa kale oo la ogaaday in nin adeer u ah Maxamed Xirsi lagu qabtay dalka Maraykanka isagoo qarxin raba goob laga dukaameysto oo weyn gobolka Ohio, iyada oo sidoo kale nin ay saaxiibo yihiin oo jaamacadda Toronto ka baxay uu ku dhintey Soomaaliya sanadkii 2009-kii, isagoo ka barbar dagaalamayay Alshabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada