Daawo Sawirada:- illaa 500 Soomaali ah oo lagu xirey Islii

Daawo Sawirada:- illaa 500 Soomaali ah oo lagu xirey Islii

daajis.com:-Xitaa waxaa la xirey carruurta iyo haweenka sida aad sawirka ka aragtaan, xaaladduna waa mid faraha ka baxday, iyadoo hogaamiyeyaasha muslimiinta Kenya ay afka furteen, kuna eedeynayaan dowladda in ay waddo olole lagu bartilmaameedsanayo Soomaalida iyo dadka Islaamka ah.

Maanta masaajidka Jaamiya ee bartamaha Nairobi waxaa ka hadlay siyaasiyiin uu ka mid yahay Faarax Macalin, wuxuuna dowladda ku eedeeyey in ay iyadu tahay tan dadka ka dhigeysa xagjirka.

Aadan Barre Ducaale ayaa isna ku hanjabay in uu ka bixi doono isbahaysiga dowladda wadaagga ah ee Jubbillee oo isagu xil sare ka hayo haddii ay joojin weyso dhibaatada loo geysanayo dadkiisa.

Illaa shan boqol oo qof ayaa la qabqabtay, iyadoo cidina aanan laga taganaynin, islamarkaasina cagta la mariyey wax kasta.

Hawlgalka ciidamadda Kenya ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii qaraxyo laga geystey xaafadda Islii, waxaa sidoo kale uu dabo socdaa amarkii dowladda ee ahaa in dadka qaxootiga ah ay ku laabtaan xerooyinka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada