Daawo Sawirada:- Ciyaaryahan sheegay in uu katirsanaa Arsenal oo ku biiray Al-Qaacidada Siiriya

Daawo Sawirada:- Ciyaaryahan sheegay in uu katirsanaa Arsenal oo ku biiray Al-Qaacidada Siiriya

daajis.com:-Webset ay leeyihiin Kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama Dalka Siiriya ayaa soo bandhigay Muuqaalka nin sheegay in uu kamid ahaa Ciyaartow Kooxda Kubada Cagta Arsenal ee ka dhisan Dalka Ingiriiska.

Nikan oo Magaciisa ku sheegay Abu Isa al-Andalus ayaa kasoo muuqday Video lasoo galiyay Webset ay isticmaalaan Jihaadiistayaasha ka dagaalama Dalka Siiriya .

Abuu Isa oo ku waramay in uu kamid ahaa Ciyaartowda Arsenaal ayaa ugu baaqay Muslimiinta kunool Wadamada Reer Galbeed in ay usoo safraan Dalka Siiriya kana bar bar dagaalamaan Kooxada halkaasi ka dagaalama.

Ninkan ku biiray Dagaalka Siiriya oo wajiga u duubnaa ayaa watay Qori nuuca AK-47- , Waxa uuna u muuqday nin ku faraxsan in uu noloshiisii hore wax badan ka badalo kana dagaalamo Dalka Siiriya.

FiSyria.com, oo lasoo galiyay Muuqaalka Ninkan ayaa sheegay in Abu Isa al-Andalus asal ahaan uu kasoo jeedo Dalka Ingiiiska uuna kamid ahaa ciyaartowda Arsenal , waxaana la sheegay in Ninkan 2-sano kahor noqday mintid iskana dhaafay wax walbo oo kasoo haray in uu dagaalamo.

Afhayeen u hadlay Kooxda Arsenal ayaa sheegay in aysan wax cadeyn ah u heyn ninkaasi la sheegay in uu horey uga tirsanaa Kooxda Arsenal , waxa uuna tilmaamay ninkan uu qariyay aqoonsiyo fara badan , magaciisana uusan ka diiwaangashaneen kooxda..



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada