Q.M Oo Ka Digtay In Qaxootiga Soomaalida Ee Kenya dib loogu soo celiyo Soomaaliya

Q.M Oo Ka Digtay In Qaxootiga Soomaalida Ee Kenya dib loogu soo celiyo Soomaaliya

daajis.com:-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay adag tahay in waqtigan Soomaaliya dib loogu so celiyo qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan dalka Kenya iyadoo arimahaasi u sababeeysay in Somalia aysan weli xasilooneeyn.


Xafiiska Q. M. ee arimaha bini aadanimada OCHA ayaa sheegay warbixin cusub uu soo saaray in howlgallada ka bilowday Koonfurta iyo bartamaha dalka ay gaab soo galiyeen howlihii ku aadana in qaxootiga dib loogu soo celiyo Somalia.

OCHA waxa ay sheegtay in dagaalkii bishii March laga bilaabay gobolo la qorsheenayay in lagu soo celiyo qaxootiga ay hadda adagtahay in lagu soo dhiirado.

Hadalkan kasoo yeeray OCHA ayaa imaanaya kadib markii dowlada Kenya ay amar ku bixisay in qaxootiga Soomaalida dalkaasi ku sugan ay xerooyinkodi dib ugu laabtaan.

Q.M. waqti hore waxa ay sheegtay in la qorsheeyay in 50,000-qof oo qaxooti Soomaali ah dib loogu soo celiyo Somalia.

Wakaalaha gargaarka bani’aadanimo bixiya ayaa sheegay in faqriga,shaqa la’aanta iyo cuni yarida iyo biyo la’aanta ay ku sii baaheyso qaar ka mid ah gobolada dalka.

OCHA waxa ay sheegen in tusaale ahaan magaalada Baydhabo ay ka mid aheyd goobaha la doonayay in lagu soo celiyo qaxootiga.

Goobaha kale ee la qorsheeyay in qaxootiga lagu soo celiyo  waxaa ka mid ah Kismaayo gobolka Jubada Hoose iyo degmada Luuq ee gobolka Gedo.

OCHA waxa ay diyaarisay 2663-qof oo qaxootiga Soomaalida ku sugan dalkaasi Kenya,Kismaayo waxaa loo diyaariyay qaxooti gaaraya 792 Baydhabo waxa loo diyaariyay 401 qof halka luuqna loo diyaariyay 128-qof.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada