Ciidamada Dowlada oo Maanta weeraray Suuqyada Hubka lagu iibiyo ee kuyaala Magaalada Muqdisho

Ciidamada Dowlada oo Maanta weeraray Suuqyada Hubka lagu iibiyo ee kuyaala Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Ciidamo ka tirsan Booliska iyo nabad sugida gobolka Banaadir ayaa maanya weeraray suuqyada ugu waaweyn magaalada Muqdisho ee lagu kala iibsado hubka iyo rasaasta.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada ay isku daqiiqad xoog ku galeen suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Cirtoogte iyo suuq hubka lagu iibsado oo sanooyinkan dambe ka sameysay Km5.

Intii uu howlgalkaas socday ayaa ciidamada dowlada waxay labada suuq ka soo qabteen hub fara badan oo kala nooc ah iyo rasaas looga ganacsabnayey suuqyadaas.


Sidoo kale ciidamada ayaa soo xirxiray ganacsato fara badan oo ka mid ahaa kuwii ka ganacsanayey hubkaas, iyagoo u taxaabay macal hubkoodana la geeyey xarunta dembi baarista CID ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah ganacsatada hubka ayaa la sheegay iney baxsadeen ka hor inta aysan gacanta ku dhigin ciidamada howlgalka fulinayey, iyadoo howlgalkan uu noqonayao kii ugu horeeyey noociisa ee laga sameeyo suuqyada hubka lagu iibiyo ee Muqdisho, illaa haddana saraakiisha ciidamada dowlada kama aysan hadlin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada