Mario Balotelli Oo Ku Xanaaqay Khabiiro Isboorti Ka Dib Markii La Bedelay Kulankii Roma.

Mario Balotelli Oo Ku Xanaaqay Khabiiro Isboorti Ka Dib Markii La Bedelay Kulankii Roma.

daajis.com:-Weeraryahanka Milan Mario Balotelli ayaa ka carooday go’aankii uu Clarence Seedorf uu ku bedalay kulankii ay guuldarada xalayto ka soo gaartay AS Roma isagoo bixiyay wareysi qarax leh ciyaarta ka dib.

Xiddiga reer Italy ayaa waxaa bedelay Giampaolo Pazzini ka dib 69 daqiiqo oo uu ka muuqan waayay ciyaartii Stadio Olimpico laakiin waxa uu ka carooday go’aankaas.
Balotelli ayaa u muuqday mid Seedorf weydiinaya sababtii loo bedelay, waxaana 23 jirkaan wareysi uu siiyay Sky Sport Italia ciyaarta ka dib uu kaga hadlay inuusan ku faraxsaneyn go’aanka uu tababaraha ku bedelay ka hor inta uusan weerar ku qaadin khabiirada Isboorti ee kanaal ee ciyaartaas fadhiyay istuudiyaha Giancarlo Marocchi, Zvonimir Boban iyo Christian Panucci kuwaasoo ka doodayay inuu xaqiiq ahaan yahay ciyaaryahan sarre.
“Ma aanan fahmin bedelkeyga”qirtay Balotelli.
“Laakiin wixii ay ku sheegeen istuudiyaha ee aheyd inaan aheyn ciyaaryahan sarre, waa inay taasi noqoto.”
Martiyaha barnaamija TV-ga Marocchi ayaa soo jeediyay in bedelkiisa ay sabab u aheyd in Balotelli uusan dhaqaaqin wax badan, taasoo keentay in weeraryahanka si carro leh uga jawaabo.
“Yaa hadlaya? Ma Marocchi? Waxba kama yaqaano kubada cagta” ayuu yiri ciyaaryahankii hore ee Man City isagoo careysan.
“Marnaba ma dhihin waxaan ahay ciyaaryahan sarre. Waxaan ahay ciyaaryahan iska caadi ah. Waxa ay qaadaneysaa waqti in ciyaaryahan sarre lagu noqdo, laakiin sababaha aad ugu maleysaan inaan u aheyn ciyaaryahan sarre ma ahan sababaha rasmiga ah.
“Kulan walba waa ka duwan yahay kan kale. Haddii aanan hal mar xitaa u dhawaanin goolka caawa, sabab uun ayaa jirta.
“Mar walba waad iga hadashaan. Marka Milan ay badiso Mario waa ciyaaryahan weyn, marka Milan laga badiyo waa qaladka Mario. Uma baahni dhaleeceyntiina, aniga ayaa sameysta dhaleeceynteyda ii gooniga ah.

“Mar walba waad hadashaan oo hadashaan, waxaad dhahdaan waxaan qiimo u leeyahay kubada cagta Italy, laakiin wax micno ah kuma fadhiso waxa aad sheegeysaan.”
Ciyaaryahankii hore ee Milan Zvonimir Boban ayaa markaas dooda soo galay isagoo difaacay saaxiibkiisa Istuudiyaha waxaana uu ku eedeeyay in Balotelli uu irxtaamdarro muujinayo.
“Ma waxaad isku maleysaa inaad tahay ciyaaryahan sarre? Laakiin halkeed u socotaa? Marnaba isma eedeyso”
Balotelli ayaa ka soo dhexgalay oo yiri: “Uma baahni dhaleeceyntaada.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada