Ciidanka Kenya oo gacanta ku dhigay sarkaal cadaan ah oo Al-shabab looga shakiyay

Ciidanka Kenya oo gacanta ku dhigay sarkaal cadaan ah oo Al-shabab looga shakiyay

daajis.com:-Booliiska Dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in la toogtay sargaal Kenyan ah oo katirsanaa Xarakada Al-Shabaab , kaa oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay Weeraro iyo dilal ka dhacay Magaalo Xeebeedka Mombasa ee Dalka Kenya.

Joseph Omijah oo ah Taliyaha Booliiska Degaan xeebeedka Diani ee dalkaasi Kenya ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay dileen sargaal katirsanaa AL-Shabaab oo asalkiisu Kenyan yahay ,kaa oo kabiyo diiday in si nabad galyo ah uu Booliiska isugu dhiibo.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Booliiska Dalka Kenya in ay qaarijiyeen Rashid Tumbo Kufungwa, oo la sheegay in uu ahaa Sargaal katirsanaa Al-Shabaab , waxa uuna tilmaamay Taliyaha in ninkan uu diiday in uu isku dhiibo ciidanka amaanka sidaana lagu toogtay.

Booliiska Dalka Kenya waxa ay sheegeen in Ninkan ay dileen laga helay qorey G3 iyo bastoolado kale oo laga dhacay waqti hore booliska Kenya , waxaana ninkan lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weeraro dad lagu dilay oo ka dhacay Dalka Kenya gaar ahaan Weerar lagu qaaday Kaniisad kutaal Mombasa oo lagu dilay ilaa 6-qofood.

Dowlada Kenya ayaa aaminsan Rashid Tumbo Kufungwa uu ahaa Sargaal katirsanaa Xarakada Al-Shabaab tababar dhinaca dagaalka ahna uu kusoo qaaday Gudaha Dalka Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada