Nairobi:- Soomaali garoon la isugu geeyay

Nairobi:- Soomaali garoon la isugu geeyay

daajis.com:-Boqolaal ruux oo Soomaali ah ayaa maalintii saddexaad ku sugan garoonka cayaaraha ee Kasarani halkaas oo ay ku xiran yihiin.
Dowladda Kenya ay sheegayso inay doonayso inay tallaabo ka qaaddo dadka sharci darrada ku jooga Kenya.

Waxay sheegtay in haatan ay goobtaas gaareen mas'uuliyiin ka socda waaxda socdaalka ee Kenya.
Waxay eegayaan warqadaha aqoonsiga ee dadku ay wataan, si ay u kala saaraan kuwa qaxootiga iyo kuwa kale.

Dadka aan sharciga haysan

Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Kenya Maxamad Cali Amerika ayaa sheegay in dadka sharci darrada ku jooga Kenya dib loogu celin doono Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay inay jiraan dad uu ka dhacay dal ku galka ay Kenya ku joogeen.
Madaxweynaha Kenya ayaa horey u sheegay in dalkiisu sii wadi doonin martigelinta qaxootiga.
Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegayo in dadka loola dhaqmayo si baxsan bani'aadannimada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada