R/Wasaarahii Hore:- Saacid oo beeniyay inuu kamid noqonayo Baarlamanka

R/Wasaarahii Hore:- Saacid oo beeniyay inuu kamid noqonayo Baarlamanka

daajis.com:-War qoraal ah oo uu soo saaray R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa lagu sheegay in uusan diyaar u ahayn kamid noqoshada Baarlamanka DF.

Beenenta Saacid, ayaa timid kadib markii ay maalmahaan Saxaafada Soomaaliyeed isla dhex marayeen hadal ah, in Saacid uu badali doono Xilibaan C/laahi Xirsi Qorax, oo shalay iska casilay xubinimadii Baarlamanka.

Ahayeen u hadlay raysul wasaarihi hore Saacid ayaa xilligaan sheegay in wararkaasi ay yihiin been abuur,balse ma jirto wali wax hadal ah oo ka soo baxay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo muddo kooban ahaa raysul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya,kaaso ay kalsoonida kala laabten xildhibaannada hadda jira,waxaana badalay raysul wasaare Cabduwali Sheekh Axmed oo  xilka haya.
“Xiligaan diyaar uma ahan inuu qabto Ra’iisul Wasaare Saacid jagadii uu beneeyay Xildhibaan Qorax, maalmahaan waxaa la isla dhex marayey inuu danaynayo xilkaasi, balse waxaan halkaan kaaga cadaynayaan Saacid inuusan waqtigaan diyaar u ahayn inuu Xildhibaan ka noqdo barlamaanka Soomaaliya” ayuu yiri mid kamid ah masuuliyiinta ku dhaw Shirdoon oo ka gaabsaday magaciisa inuu shaaciyo.

Hadalkan waxaa uu ku soo aadaya xilli dhawaan xildhibaannada baarlamaanka ay ka mid noqotay wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji,taaso badashay xildhibaan ay isku heyb ahaayeen oo is casilay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada