Sargaal ka tirsan AMISOM oo si kulul ugu hanjabay Alshabaab

Sargaal ka tirsan AMISOM oo si kulul ugu hanjabay Alshabaab

daajis.com:-Sargaal ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Baledweyne oo lagu magacaabo Cismaan Nuur Subagle ayaa wacad ku maray inay deegaanada dhaca bartamaha Soomaaliya ka sifeynayaan Xarakada Alshabaab.

Sargaal oo wareysi siiyay qaar ka mida idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in dagaal yahano arxan daran ay sii gumeestan shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanadaasi
Cismaan Nuur Subagle ayaa uu Xusay in deegaanno fara badan iyo degmooyin ay kala wareegeen Ururka Al Shabaab kuwaas oo ay kaga sugnaayeen Gobollada Galgaduud iyo Hiiraan sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM oo isgarabsanaya ayaa waxa ay Howl gallo ka dhan ah Al Shabaab ka wadaan deegaanno iyo degmooyin ay ka talineysay Xarakadaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada