Wariyaal Reer Galbeed ah oo Maanta Lagu Toogtay Afgaanistaan

Wariyaal Reer Galbeed ah oo Maanta Lagu Toogtay Afgaanistaan

daajis.com:-Nin la sheegay in uu xirnaa Dareeska Ciidanka Booliiska Dalka Afgaanistaan ayaa manta toogtay labo Wariye oo Reer Galbeed ah , xili ay isku diyaarinayeen soo tabinta wararka la xariira Doorashada beri ka dhacaysa Dalkaasi.

Labada Wariye ayaa lagu toogtay Magaalo yar oo katirsan Gobolka ay Rabshadaha badan ka dhacaan ee Khost oo kuyaala Xadka Dalalka Afgaanistaan iyo Pakistaan , waxa ayna Wariyaashan u shaqeenayeen Wakaalada Wararka ee AP.


Anja Niedringhaus oo 48-jir ahayd ayaa u geeriyootay rasaasta uu ku furay ninka Xirnaa Dareeska Ciidanka Booliiska Dalka Afgaanistaan , waxaa dhaawac halis ah iyana uu soo garaay gabar kale oo Wariya ah oo la socotay Saxafiyada geeriyootay.

Wasiirka arrimaha gudaha Afgaanistaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la xiray ninka toogtay labada Saxafdi ee Reer galbeedka ee u shaqeenayay Wakaalada Wararka AP, mana jiraan faah faahino dheeraad ah uu bixiyay Wasiirka.

Labada Wariye ee Maanta lagu toogtay Dalka Afgaanistaan ayaa isku diyaarinayay soo tabinta Wararka ku saabsan doorashada maalinta berito ah la filayo in ay ka bilaabato guud ahaan Dalka Afgaanistaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada