DAAWO VIDEO:-Shekh Xasaan Iyo Marwadisa Oo Maxkamad Kenya Kasoo Muqday maanta,hadal yaab Leh Maxkamada Ka Shegay.

DAAWO VIDEO:-Shekh Xasaan Iyo Marwadisa Oo Maxkamad Kenya Kasoo Muqday maanta,hadal yaab Leh Maxkamada Ka Shegay.

daajis.com:-Sheekh Xasan Xuseen iyo Marwadiisa Fardosa Mohammed Abdi oo ku eedeysan in lagu qabtay labo bambo gacmeed ayaa la hor geeyay Maxkamad ku taallo Nairobi halkaas oo xeer ilaalinta Kenya ay ku soo sheegeen Eedeymaha ay u haystaan. Booliiska ayaa sheegay in Sheekh Xasan iyo Marwadiisa ay ku qabteen labo bam gacmeed 1 dii bishaan April xiligaas oo Booliiska ay ku jireen howlgal balaaran oo ay ku daba galayeen weerarkii qaraxyada ee habeenkii ka horeeyay maalinkaasi ka dhacay Islii.

Sheekh Xasan Xuseen ayaa sheegay in ujeedada ka dambeysa eedeyntaan ay tahay in la dhibaateeyo shacabka oo aysan waxba ka jirin dambiga loo haysto. 

Qareenka Sheekha Chacha Mwita ayaa sheegay in loo baahan yahay cadeyn dhab ah oo lahgu soo bandhigayo in lagu qabtay Banmooyibka lagu eedeynayo in ay haysteen iyadoo xiliga la soo qabtayna ay ku sugnaayeen filo ay ka degan yihiin Islii.

Garsooraha Maxkamada ayaa sheegay in eedeysanayaasha Sheekha iyo marwadiisa ay ku xikuman yihiin in Booliiska ka caawiyaan sidii loo heli lahaa 20 bambo ama walxa qarxa ah oo la aaminsan yahay in lagu qariyay Magaalada.

Xeer ilaalinta ayaa Maxkamada ka dalbaday in lagu xukumo in ay tirsan yihiin Faraca Al Shabaab ee Kenya, hase ahaatee wali waxaa socda Baaritaan lagu xaqiijinayo eedeymaha loo haysto. 

Waxaa laga diiday in damaanad lagu sii daayo iyadoo 17 April loo balamay in la isugu soo laabto Maxkamada oo halkaasi laga sii wadayo Dacwada loo haysto.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada