Daawo kala cararka dhacay:- Kadib Markii Askartii Mareeykanka ee dagaalkii Ciraaq laga soo celiyay oo gacantooda isku ciqaabaya .

Daawo kala cararka dhacay:- Kadib Markii Askartii Mareeykanka ee dagaalkii Ciraaq laga soo celiyay oo gacantooda isku ciqaabaya .

daajis.com:-Mar quraah ayaa lagu kala cararay xarunta ugu weyn ee Milatariga dalka Mareeykanka lagu tababaro taas oo ah Fort Hood oo ku taala gobolka Texas ee dalka Mareeykanka. Mid ka mid ah Askartii ka soo laabatay dagaalkii Ciraaq ayaa mar quraax rasaas la dhacay ciidamo kale oo Mareykan ah kuna jiray xeradaas. 



Xerada dhexdeeda oo lagu kala cararay waxaa iska goobtii ku geeriyootay 3 ka mid ah ciidamada Mareeykanka halka dhaawaca uu sii caga cageenayo in ka badan 16-Askari. Ninkii Askariga ahaa ee ciidamada kale toogtay ayaa intii aanan la qaban isna is toogtay. 

Masuulka ugu sareeya ciidamada Mareeykanka ee xerada Fort Hood ninka lagu magacaabo Mark Milley wuxuu sheegay inay wadaan baaritaan sababtii falkaan ka dambeeysay. Madaxweeyne Obama ayaa sidoo kale ka hadlay Telefishinada dalkaas kaas oo sheegay inay heli doonaan saacadaha soo socda sababta uu Askarigaan u laayay askarta kale. 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada