Boko Haram oo sheegatay boqolaal gabdhood laga afduubtay waqooyiga Nigeria

Boko Haram oo sheegatay boqolaal gabdhood laga afduubtay waqooyiga Nigeria

daajis.com:-Kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria ayaa sheegatay afduubka boqolaal gabdhood wax ku baranayay waqooyiga Nigeria, kuwaasoo bishii hore la qafaashay.

Hogaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau ayaa cajalad muuqaal ah oo uu soo diray ku shaaciyay inay afduubteen gabadhaha ardayada ahaa, isagoo cadeeyay inay suuqyada ku iibin doonaan.

Gabdhahan oo tiradooda gaarayay 276 gabdhood ayaa waxaa laga qafaashay 14-kii bishii hore Iskuul ku yaala Borno ee waqooyiga Nigeria, iyadoo gobolkaas ka mid yahay meelaha rabshadaha ay ka dhacaan.

Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa codsaday in dowladdiisa laga caawiyoo baadigoobka loogu jiro gabdhaha la afduubtay.

Kooxda Boko Haram ayaa xoojisay weerarada ay ka geysato Nigeria, iyadoo weeraro qaraxyo ah bishan iyo bishii hore ka geysatay magaalada Abuja ee Caasimada Nigeria.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada