Cali Dheere "Waa nabad gelin doonaa Kenya hadii ay ka baxaan Soomaaliya, hadii aanay ka bixina...."

Cali Dheere "Waa nabad gelin doonaa Kenya hadii ay ka baxaan Soomaaliya, hadii aanay ka bixina...."

daajis.com:-Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay weeraro qorsheysan oo shalay ay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab gudaha Kenya, markii kolonyo ay wateen ciidamada Kenya wadada u galeen.

Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkaas ay kaga gubeen ilaa saddex gaari, halka labo gaari ka soo qafaasheen, isla markaana ay kaga dileen askar badan sida uu yiri.

"Dhowr mar ayaan Kenya u dignay oo aan dhahnay war nadaaya oo joojiya ciidankiina nagu soo duulaya dalkeena faraha nooga qaada balse way ka dhega adeygtay wixii maanta dhacay iyo kuwii ka horreeyay waa qeyb yar oo ka mid ah jawaab celinta mujaahidiinta"ayuu yiri Cali Dheere.

Waxaa uu mar kale ku celiyay fariin hore ugu diray kenya oo ahaa in Amniga Kenya uu ku xiran yahay Amniga Soomaaliya, hadii aanay ka bixina ay weerarada ku sii badan doonaan sida uu hadalka u dhigay.

"Amnigiinnu wuxuu ku xiran yahay amniga shacabka Soomaaliyeed in aad dadkeena laysaan oo xataa beeraheena duqeysaan idinna aad nabad gashaan waa wax aan socanayn"ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Cali Dheere oo sii hadlayay ayaa yiri "hadii aad rabtaan dalka nooga baxa, sida aad noola dhaqanteen ayaa idinla dhaqantay, wax badan waa weerareen mujaahidiinta, in fara badan waa ku wajahan tahay, hadii aysan ka bixin dalkeena".

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii labo qarax oo is xigay uu ka dhacay suuq ku yaal magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa 12 ruux, halka 70 kalena ku dhaawacmeen.

Kenya oo amnigeeda faraha ka baxay ayaa waxaa heegan la geliyay ciidankeeda, iyadoo la adkeeyay ammaanka xarumaha safaaradaha reer galbeedka ku leeyihiin magaalada Nairobi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada