Jawaari :-2-sano ma ahan waxa haray ee waa 13-bilood, waa in mudadaas dalka ku gaarsiino doorasho.

Jawaari :-2-sano ma ahan waxa haray ee waa 13-bilood, waa in mudadaas dalka ku gaarsiino doorasho.

daajis.com:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ka qeyb galay kulan Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Dastuurka iyo Hiigsiga doorashada sanadka 2016 ay ku dooranayeen Gudoomiye iyo Gudoomiye kuxigeen, iyadoo gudigan uu dhowaan si rasmi u howl geli doono.

Prof. Jawaari ayaa soo dhoweeyay doorashada Gudoomiyaha iyo kuxigeenkiisa ee gudigan, isagoo xusay inay ka fududeysay howl badan oo u taalay, gaar ahaan howlaha loo igmaday gudigan, isagoo ku dhiira geliyay Gudigan inuu ka shaqeeyo sidii sanadka 2016 dalka lagu gaarsiin lahaa doorasho xor ah.

Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka iyo Hiigsiga doorashada sanadka 2016 ayaa loo doortay Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo horay u ahaa Wasiiru dowlihii Wasaarada Arrimaha Gudaha, halka Gudoomiye kuxigeenka loo doortay Cilmi Maxamed Nuur.

Gudoomiyaha Gudiga dastuurka iyo hiigsiga doorashada sanadka 2016 Cabdi Cali Xasan oo la hadlay guddiga doortay ayaa ka codsaday in lala shaqeeyo si baarlamaanku uu ugu guuleysto inuu wax ka qabto dastuurka qabyada ah iyo diyaarinta doorasho uu dalku galo xilliga loo qorsheeyay.

"Waxaa codsanayaa in la ila shaqeeyo, sidii aan sanadka 2016 dalkan lagu gaarsiin lahaa doorasho xor ah, gudigan wuxuu aas aas u yahay sidii himilooyinkaas lagu gaari lahaa, shaqada inteeda badan in aan dhabarka u ridano"ayuu yiri Gudoomiyaha cusub ee Gudiga Dastuurka iyo Hiigsiga doorashada sanadka 2016.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay guddiga iyo hoggaankiisaba inay gutaanka waajibaadkooda si loo gaaro in doorasho xor ah ay dalka ka dhacdo sanadka 2016-ka.

"Waxaa la idinka sugayaa inaad daraasad iyo cilmi baaris aad sameysaan sidii dalkan ka hor sanadka 2016 uu ku gaari lahaa doorasho, in laga faa'ideysto qimaha doorashadii dalka soo maray, doorashadii ka dhacday Somaliland iyo Puntland, howsha ugu horeysa aad qabaneysaan waxaa ka mid ah nidaamka doorashooyinka Soomaaliya iyo sida lagu fidin karo, inaad soo saartaan shuruucda doorashada"ayuu yiri Mr Jawaari.

Prof. Jawaari oo ka hadlay waqtiga dowladda u haray ayaa yiri "Ma ahan 2-sano waxa haray ee waa 13-bilood, waxaa nagala rabaa inaan mudadaas shaqo badan ku qabano, in waqtigaas ka ho dalka gaarsiino doorasho xor ah"

Gudoomiye Jawaari ayaa faray in laga bilaabo maanta inay Gudigan howl galaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan dejinta sharciga doorashooyinka, dhameystirka dastuurka, isagoo xusay in Xukuumada ay ka tala geliyaan gudiga wada jirka ah ee la sameeynayo, isla markaana ay la tashi la sameeyaan dadweynaha iyo maamulada gobolada.

Soomaaliya ayaa qorshuhu yahay in sanadka 2016 ay ka dhacdo doorasho, iyadoo ay socdaan qorshayaal arrintan la xiriira, iyadoo Madaxda dowladda ay marar badan ku cel celiyeen in aanay jiri doonin baarlamaan ay soo xulaan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, sidaas darteed dalka ay ka dhici doonto doorasho xor ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada