Daawo Sir Culus: Horn Cable Tv: oo soo Daayey Gen: Xidhiidh la leh Al-shabab oo Madaxwaye Xasan Xabsi Kasoo daayey

Daawo Sir Culus: Horn Cable Tv: oo soo Daayey Gen: Xidhiidh la leh Al-shabab oo Madaxwaye Xasan Xabsi Kasoo daayey

daajis.com:-Waxaa todobaadkan xoriyadiisa dib u helay Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Gen.Cabdi Maxamed Ismaaciil oo xiriir lalahaa Al Shabaab isla markaana xabsiga Muqdisho kasii daayey dagaalyahano ka tirsan ururka Al Shabaab.

Cabdi Maxamed Ismaacill ayaa xilka Taliyaha Ciidamada Asluubta loo magacaabay bishii Feberaayo ee sanadkii 2012, waxaana xilka  laga qaaday muddo ka yar hal sano intuu xilka hayey, kadib markii ay ku cadaatay inuu xasbiga Muqdisho kasii daayey xubno u dagaalamayey Al Shabaab.

Bishii December ee sanadkii 2012 ayaa Taliyahan xilka laga xayuubiyey waxayna  Maxkamada Militariga ku xukuntay (Xabsi Daa’in). Balse Taliyaha ayaa la sheegay wakhtigaa inuu ka baxsaday dalka. 29kii Bishii Oktoober 2013 ayey ciidamada dowlada degmada Wadajir kasoo qabteen Cabdi Maxamed Ismaaciil oo muddo dheer dhuumaaleysi ku jiray.


Siidaynta Cabdi Maxamed Ismaaciil ayaa waxaa u dheer in uu dib ulla soo noqday darajadiisii Jeneraalnimada oo horey maxkamada Militariga ka xayuubisay, wuxuuna warsaxaafadeed uu bixiyey  isagoo ku labisan dareeska ciidamada uu mahadnaq u diray Madaxweynaha cafiyey ee Xassan Shiikh Maxamuud, uuna weli diyaar u yahay inuu u shaqeeyo Qaranka Soomaaliya.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada