C/fataax Geesey "Alle ayaa mahad leh waa ka bad baaday qaraxaas wuxuu ahaa mid fuleynimo ah"

C/fataax Geesey "Alle ayaa mahad leh waa ka bad baaday qaraxaas wuxuu ahaa mid fuleynimo ah"

daajis.com:-C/fataax Ibraahim Geesey oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bay ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Maamulka la magac baxay Koofur Galbeed ee lixda gobol ayaa sheegay inuu ka bad baaday qaraxii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay Baydhabo.

Weerarkan ismiidaaminta oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay ruux naftii hure ah ayaa waxaa ku dhintay ilaa 11-ruux oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

C/fataax Geesey ayaa sheegay in qaraxaas ujeedkiisa ahaa in isaga lagu qaarijiyo, balse aanay tiisa gelin, isagoo ku tilmaamay qaraxa inuu ahaa mid fuleynimo ah.

"Alle mahad leh, qaraxa wuxuu dhacay maanta, wuxuu ahaa mid fuleynimo ah, nimankaas argagixisada ayaa sheegtay oo meelaha internet-ka ku qortay, waa ka bad baaday, waxaa u tacsiyadeynaya dadkii ku dhintay ee gacanta xaqdarada ay dishay"ayuu yiri C/fataax Geesey.

C/fataax Geesey oo sii hadlayay ayaa yiri ""Dhimashada waa tobaneeyo ruux, qaar ka mid ah ilaaladeyda ayaa ku dhimatay, kuwo kalena waa ku dhaawacmeen, gaariga NOAH ayuu ahaa oo nin naftii halige ah ayaa waday, meesha ayaa aniga ku sugnaa"

Waxaa uu sheegay in xaalada magaalada ay tahay mid degan, isagoo xusay in ciidamada ammaanka iyo kuwa AMISOM ay wadaan howl galo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxa, waxaana war qoraal ah oo la soo dhigay baraha internet-ka ee taageera Shabaab.

Qaraxan ayaa markii uu ka dhacay magaalada Baydhabo waxaa uu saameyn ku yeeshay xaalada guud ee magaalada, waxaana todobaadyadii u dambeeyay amaanka magaalada ay aheyd mid wanaagsan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada