Diyaarad Milateri ay leedahay kenya oo ku dhacday magaalada Ceel-Waaq ee xadka Kenya iyo Somalia

Diyaarad Milateri ay leedahay kenya oo ku dhacday magaalada Ceel-Waaq ee xadka Kenya iyo Somalia

daajis.com:-Diyaarad Milateri ay leedahay Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhacday magaalada Ceel-Waaq ee ku taal xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya diyaaradan oo la sheegay inay ciidamo Kenyan ah ka soo qaaday deegaanka, kuna sii jeeday Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Hal ruux ayaa ku dhintay oo ka mid ahaa duuliyihii diyaarada, halka 11 kale oo askar ahaa ay ku dhaawacmeen, waxaaa la ogeyn sababta diyaarada u dhacday.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada ay tiro askar oo lagu qiyaasay 12 askari ka soo qaaday dhanka Soomaaliya, kuna sii jeeday magaalada Gaarisa.

Ciidamada Kenya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumanaan askari oo qeyb ka ah howl galka AMISOM, waxaana ay ku sugan yihiin Jubada Hoose iyo Gedo oo saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada