Daawo Muuqaal:- Madaxweeyne Putin oo maalin cad ka yaabsaday Mareeykanka & Gaashaanbuurta NATO, Muxuu sameeyay+warbixin

Daawo Muuqaal:- Madaxweeyne Putin oo maalin cad ka yaabsaday Mareeykanka & Gaashaanbuurta NATO, Muxuu sameeyay+warbixin

daajis.com:-Madaxweeynaha dalka Ruushka Mr.Vladimir Putin ayaa maalin cad dhanka Siyaasada uga guuleeystay Mareeykanka iyo xulafadiisa Yurub gaar ahaan Gaashaanbuurta NATO kaas oo awood Milatari ku soo bandhigay magaalo uu dhawaan xoog ku qabsaday balse Caalamka intiisa kale diideen inay Ruushka u aqoonsadaan. 





Magaalo xeebeedka Krim oo dhawaan uu Ruushku si farsameeysan uga qabsaday dalka Ukraine ayaa iminka waxaa ka degay oo dhoolatus Milatari ka soo sameeyay Madaxweeynaha dalka Ruushka Mr.Vladimir Putin . Xafladaan ayaa eheed mid lagu xusayay markii Ruushka uu ka guuleeystay Naazigii dalka Jarmalka. 

Madaxweeyne Vladimir Putin oo siyaasad nuuc kale ah la dheelayo Mareeykanka iyo Midawga Yurub kuma harin magaalo xeebeedka Krim oo kaliyah balse wuxuu soo hubeeyay iminka maleeshiyaad ka soo jeeda gobolada ugu caansan dalka Ukraine kuwaas lagu qal-qaalinayo inay dalka Ukraine iyo isbaheysiga Yurub ka go´aan waliba ku biiraan siyaasada dalka Ruushka. 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada