Daawo Sawirada :- Ciidamada Kenya oo Dabaq dheer kasoo tuuray Hooyo Soomaaliyeed Sadax Habeen kahor

Daawo Sawirada :- Ciidamada Kenya oo Dabaq dheer kasoo tuuray Hooyo Soomaaliyeed Sadax Habeen kahor

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada loo yaqaan Jeshuuga ee Koofi gaduudka Dalka Kenya ay daba dheer oo kakooban Shan biyaano ay kasoo tureen Hooyo Soomaaliyeed xili ay ka diiday in ay siiso lacago iyo dahab ay heesatay.

Maxamed Daahir Faarax Ciro ayaa Warbaahinta u sheegay in Hooyadan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Farxiyo Axmed Yarow Habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay ay guriga usoo galeen Ciidamo katirsan Koofi gaduuda Kenya kadibna ay ka tureen dabaq ka kooban shan biyaano.

‘’ Ciidamada marka ay guriga soo galeen waxa ay gabadha weediiyeen Sharciga Kibandhaha marka ay tustay ayaa mid kamid ah askarta xoog uga qaatay kadibna waxa ay ku amreen ciidanka in ay keento lacagta iyo dahabka guriga u yaala weyna ka dhaga adeegtay , markaa kadib ayuu askari ciidanka katirsanaa xoog uga furtay katiinad qoorta uga xirneed kadibna uu ka tuuray dabaqii ay saarneed oo kuyaala xaafada Saction Three oo katirsan Islii ‘’ ayuu yiri Maxamed Daahir oo isbitaal kula jira gabadha dhibanaha ah.

Waxa uu intaa ku daray Maxamed Daahir in gabadha Ciidamada Kenya dabaqa kasoo tureen in hada xaaladeeda soo hagaageyso ayna jiraan jabniin soo gaaray, waxa uuna intaa raaciyay in gabadha markii dabaqa laga tuuray ay ku dul dhacday guri jiingad ah oo dabaqa hoostiisa ku yaalay sidaasna ay ku bad baaday.

Farxiyo Axmed Yarow ayaa hada xaaladeeda caafimaad waxaa lagu daweenayaa isbitaal kuyaala Magaalada Naiarobi , waxaana Isbitaalka ku booqday Saraakiil katirsan laamaha dambi barista Kenya iyo sidoo kale qolyaha u dooda Xaquuqda Islaamka iyo xaquuqda aadanaha kuwaa oo wareestay gabdha dhibanaha ah.

Waa Gabadhii labaad Soomaali ah oo Ciidamada Dalka Kenya ay dabaq kasoo tuuraan , waxaana dhawaan dhacday in Ciidamada Howlgalada kawada Xaafada Islii xili ay ka dhuumaneesay gabar Soomaaliyeed oo xaamilo ah in iyana ay kasoo dhacday dabaq Sadax biyaano ka koobnaa






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada