Nin Soomaali ah oo Xiisad ka dhax abuuray Dowladaha Germany iyo Holland

Nin Soomaali ah oo Xiisad ka dhax abuuray Dowladaha Germany iyo Holland

daajis.com:-Jariiradda Daily Mail ayaa soo bandhigtay warbixin xiiso leh oo ay uga hadleesay 10ka ciyaaryahan ee wacdaraha kadhigay garoomada tartamada ugu weyn Europe (England, Spain, Italy iyo Germany).

Waxaa kujiro ciyaartooy lasaadaalin karay maadaama ay yihiin kuwo magac kuyeeshay kubada cagta, waxaa kaloo kujiro kuwo xilli ciyaareedkaan kaliya banaanka is dhigay, inkastoo qaar kamid ah ciyaartoyda lagusoo daray ay hoos uga dhaceen heerkii uutaagna sanadihii tagay taas oo kooxdiisa ku keentay inay koobab badan kaharto, sidaas ay tahayna weli wuxuu dhowrtay qeyb kamid ah qaab ciyaareedkiisii.
Waxaa kamarneen xiddig katirsan kooxda Real Madrid oo kamid ah labada koox ee Final ka Uefa Champions League iska xaadiriyey kadib markii ay jiireen kooxda Pep Guardiola oo minan iyo martiba uga badiyen 5-0, hadaba ka bogta ciyaartoyda ay Daily Mail u aragto inay ugu fiicnaayeen Europe xilli ciyaareedkaan.
1- Cristiano Ronaldo: Xiddiga Real Madrid ayaan labarbar dhigi karin cidna xilli ciyaareedkaan waa sida ay Euro Sport aaminsan tahaye, weeraryahankaan ayaa dhaliyey 62 gool 60 kulan uu usaftay kooxdiisa tartamada oo dhan, wuxuu kooxdiisa kuhogaamiyey guulo wax ku ool ah isagoo udhaweeyay inay soo xirogaliso Champion keedii 10aad, Lisbon ayey isku arki doonaan kooxda ay dariska yihiin ee Atletico Madrid.
2- Diego Costa: Xiddiga Atletico Madrid ayaa kayaabsaday kooxaha Europe, naadiyada ugu waaweyn ee qaarada ay saf dheer usoo galaya saxiixa weeraryahankaan, waxa uu kooxdiisa udhaliyey 35 gool tartamada oo dhan, waxa uu sidoo kale kooxdiisa kuhogaamiyey hogaanka La Liga walow ay xaadir yihiin Barcelona iyo Real Madrid, isagoo sidoo kale kooxdiisa geeyay Lisbon.

3- Zlatan Ibrahimovic: Suldaanka ayaa liiskaan kasoo galay goolasha aan larumeesan karin ee kooxdiisa uu udhaliyo, goolashaas cidkale oo dhalin karto majirto marka laga reebo Zlatan.

4- Thibout Courtois: Inkastoo da’diisa ay yartahay hadana ciyaaryahanka ay Chelsea milkiyadiisa iska leedahay wuxuu si kalsooni leh usoo galayaa liiskaan, sirta kadanbeeso inuu kasoo dhex muuqdo magacyadaan waaweyn ayaa ah inuu kooxda kuhogaamiyey inay badiso kulamo muhiim u ah horyaalka iyo Champion labadaba.

5- Philipp Lahm: Walow ay kooxdiisa kujirto qaab ciyaareed aan fadhinin haddana Lahm ayaa ahaa hogaamiye saameen uleh Bayern Munich, furaha dhexda iyo daafaca garabka midig waa labada boos uu isku badbadalanayey xilli ciyaareedkaan oo dhan.
6- Gareth Bale: Xiddiga ciyaaryahankaan kucusub Real Madrid waxaa lasheega inuu yahay ciyaaryahanka adduunka ugu qaalisan, qandaraaskii uu kuyimid Bernaboa darteed, kooxdiisa ayuu kuhogaamiyey koobkii ugu horeeyay xilli ciyaareedkaan kadib gool lala yaabay uu kadhaliyey Barcelona.

7- Lionel Messi: Marka lagu noqdo sanadihii idhaafay, waxey aheyd Messi inuu liiska ciyaartoydaan hogaamiyo, natiijo xumida kooxdiisa heysato iyo mashaakilka maamul ee kooxda ayaa ciyaaryahankaan kafogeesay qaab ciyaareedkiisii indho sarcaadka ahaa, isagoo boqor ka ahaa dunida kubada cagta afar sano oo isku xigto.

8- Luka Modric: Sida ay horey usheegtay jariirada taageerta Madrid ee Marca waxey kutirisay heshiisyadii ugu xumaa ee  Real Madrid abid sameeso, laacibkaan ayaa hadda noqday lambarka koowaad ee shaxda macalin Ancelotti, isagoo xariiriye unoqday difaaca iyo weerarka Real Madrid.

9- Marco Reus: 24 jirkaan wuxuu kooxdiisa udhaliyey 21 gool xilli ciyaareedkaan, qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ayaa usoo jiiday in lagu daro xiddigaha ugu wanaagsan qaarada Europe.

10- Koke: wuxuu katirsan yahay da’yarta ugu fiican kubada cagta, xilli ciyaareedkaan ayuu banaanka iskeenay, dadka qaar ayaa kutilmaamay ninkii badali lahaa Xavi Hernandez, gool uu dhaliyey ayaa kooxdiisa usoo saartay Semi Final kii Champions League.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada