Nin Soomaali ah oo Xiisad ka dhax abuuray Dowladaha Germany iyo Holland

Nin Soomaali ah oo Xiisad ka dhax abuuray Dowladaha Germany iyo Holland

daajis.com:-Baarlamaanka dalka Holland ayaa lagu wadaa maalinta berri ah (Talaado) inuu ka doodo go’aan kasoo baxay Maxkamad ku taal dalka Germany oo diiday in nin Soomaali qaxooti ah dib loogu celiyo wadanka Holland.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa horey qaxootinimo isaga dhiibay dalka Holland, balse waxay dowlada Holland u diiday sharciga degenaansho, wuxuuna kadib tagay dalka Germany si uu halkaasi markale isaga dhiibo qaxootinimo.

Dowlada Germany ayaa dooneysay inay ninkan dib ugu celiso dalka Holland oo uu markii hore iska dhiibay balse taasi waxaa hor istaagay Xaakimka Maxkamada magaalada Darmstadt ee dalkaasi Germany.

Sharciga u yaal wadamada Midowga Yurub ee qaxootiga oo la saxiixay sanadkii 1997dii ayaa qoraya in qofka qaxootiga ah mar walba dib loogu celiyo wadankii ugu horeeyey oo uu iska dhiibay.

Hase yeeshee Xaakimka Maxkamada Darmstadt ee dalka Germany oo ah magaalada uu ninkaasi Soomaali ah iska dhiibay ayaa sheegay in dowlada Germany aysan ninkaasi ku celin karin dalka Holland.

Xaakimka oo cuskaday xaquuqul Insaanka ayaa sheegay in Qaxootiga sharciga loo diido dalka Holland ay nolol xun ku nool yihiin, iyagoo aan wax ay ku noolaadaan loo diido isla markaana aan loo ogoleyn inay iskooda u shaqeystaan.

Xaakimka ayaa sheegay in qaxootiga Holland ee sharciga loo diiday ay heysan wax hoy ah, oo aysan xataa heysa dhar iyo cunto ay cunaan.

Sidaa daraadeed wuxuu xaakimka Jarmalka ah sheegay in aan ninkaasi Soomaali ah lagu celin karin wadanka Holland oo uu sheegay inuu kala kulmayo dhibaato.

Go’aanka Maxkamada ayey si weyn uga caroodeen xildhibaanada Dalka Holland oo sheegay in go’aankan waji gabax ku yahay Wadanka Holland oo lala barbardhigay wadamada ay qaxootiga kasoo cararaan ee dunnida Sadexaad.

Horey ayey maxkamada Midowga Yurub ugu amartay dowlada Holland inay siiso goobo ay ku noolaadaan dadka qaxootiga ah ee sharci darada ku jooga gudaha dalkaasi.

Qaar kamid ah xisbiyada siyaasada ee dalka Holland ayaa ka codsaday wasaarada qaabilsan soogalootiga inay maalinimada Talaadada ah ay hortimaado Baarlamaanka si su’aalo looga weydiiyo xaalada dadka qaxootiga ah ee ku sugan gudaha Holland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada