Daawo Sawirada :- Gabdho Waalidkood laga soo xaday oo qaab Tahriib ahaan loo waday oo gacanta lagu dhigay

Daawo Sawirada :- Gabdho Waalidkood laga soo xaday oo qaab Tahriib ahaan loo waday oo gacanta lagu dhigay

daajis.com:-Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa Magaalada Cadaado waxa ay kusoo bandhigeen 18-caruur ah oo la sheegay in waalidkood laga soo xaday qaab tahriibin ahna loogu sii waday Deegaanada Maamula Puntiland .

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa gacanta ku haya labo qof oo caruurtaasi waday waxaana wali dadkaasi la hayo la weediinayaa su,aalo la xariira halka ay caruurtaasi ka keeneen iyo ujeedka ay u tahriibinayeen sida ay sheegeen Masuuliyiin katirsan Maamulkaasi.

Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Ximin iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay in Maamulkoodu hada gacanta ku hayo Caruur gaareysa 18- oo 17-kamid ah ay yihiin gabdho kuwaa oo la tahriibinayay lagana soo xaday waalidkii dhalay.

Caruurtan ayaa lasoo tabinayaa in waalidkood laga soo xaday qaab tariib ahaana la doonayay in loogu qaado Boqortooyada Sacuudiga , waxaana hada Caruurtaasi gacanta ku haya oo xanaaneenaya Ururka Haweenka Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa Wada dadaalo ay ku xariirnayaan Caruurtan laga ka xeeyay Gobolka Sh/Hoose iyo Muqdisho waalidkood , waxaana wali socda xariiro lala sameenayo caruurta la qabtay Waalidkii dhalay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada