Daawo Sawirada:- Siyaasiyiinta Caanka ah ee dadka hortooda ku cunteeya

Daawo Sawirada:- Siyaasiyiinta Caanka ah ee dadka hortooda ku cunteeya

daajis.com:-Sawir qaadayaasha wadanka Ingiriiska, ayaa dhawaan Sawiray R/wasaaraha Ingiriiska Devid Cameron oo meel Public ah ku cunteeynaya.

Siyaasiyiinta Ingiriiska, ayaa inta badan ku cunteeya meelaha Fagaaraha iyagoo doonaya ineey kusoo jiitaan dad badan ama shacbiyad, waxaana R/wasaare Cameron lagu tiriyaa kan ugu adeegsiga badan wadadaas.

Sidoo kale wasiirka Maaliyada Ingiriiska,ayaa isbuucyo kahor bogiisa Gaarka ah ee Twitterka soo dhigay Sawir isagoo cunaya Hambeegar, waxaana markaas uu ahaa mid dulmar ku sameeynayay Miisanad sanadeedka Xukuumada Ingiriiska.

Dad mucaaradsan arintaan:
Waxaa jira siyaasiyiin kamid ah kuwa mucaaradka Ingiriiska oo aad u mucaaradsan, in siyaasiyiinta ay ku cunteeyaan meelaha Bulshada, iyagoo u arka ineey tahay buun buunin ay u sameeynayaan siyaasadooda.

Sidoo kale in siyaasiyiinta waa weyn ay ku cunteeyaan meelaha shacabka, ayaa dood badan ka dhalisay Mareeykanka.

Duqa magalada New York, ayaa maalmahaan diirada u saarnaa Saxaafada, iyadoo dhaleeceyn xoogan loo soo jeediyay, kadib markii uu meel bulshada ka cunteyso ka cunay Pitzaha isagoo adeegsanaya Mindi iyo Fargeeto, waxaana lagu haystaa sababta uu Gacantiisa ugu cuni waayay.


Siyaasiyiinta ku cunteeya meelaha Bulshada, ayaa la sheegaa in ujeedkooda uu yahay, ineey muujiyaan ineey dadka cadiga ah la mid yihiin.

R/wasaaraha Ingiriiska Cameron, ayaa  mar uu dalkiisa ku sugnaa M/weynaha Faransiiska Hollande, waxa uu ka dalbaday ineey kasoo wada cunteeyaan Baar ay shacabka ka cunteeyaan.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada