Dagaal culus oo ka socda degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Dagaal culus oo ka socda degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

daajis.com:-Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda ayaa ka socda degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo dagaalkan uu salka ku haayo xiisado ka dhashay dilal ka dhacay degmadaas maalmo ka hor.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhaxeeyo Ciidamo uu wato Gudoomiyaha degmada Doolow iyo Ciidamada maamulka degmada Beledxaawo.

Goob joogayaal ku sugan degmada Beledxaawo ayaa sheegay in ciidanka uu watay Gudoomiyaha degmada Doolow uu weerar ku soo qaaday, isla markaana iska hor imaad xoogan uu dhex maray ciidanka degmada Beledxaawo.

Inta la og yahay ilaa afar ruux ayaa ku dhimatay, halka tiro intaa kalena ku dhaawacmeen, waxaana dagaalka ka qeyb qaadanayay gaadiid dagaal oo labada dhinac ay wateen.

Dad ka qaxayay dagaalka Beledxaawo oo u cararay dhanka deegaanka Mandheere ee soohdinta Kenya ayaa la sheegay in dib ay u soo celiyeen ciidamada ammaanka Kenya ee xuduuda ku sugan.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ku eedeeyay dagaalkan inuu mas'uul ka ahaa Gudoomiyaha degmada Doolow.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa degmada Beledxaawo ka taagnaa xiisado u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda iyo ciidamo la sheegay inay taabacsanaayeen Ahlusuna.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada