Gabdho Soomaali-Swedish ah oo u dagaal tegay dalka Siiriya

Gabdho Soomaali-Swedish ah oo u dagaal tegay dalka Siiriya

daajis.com:-Warbaahinta dalka Swedan ayaa si weyn u hadal haaya Todobo gabdho Soomaali ah oo loo maleynayo inay u dagaal doonteen dalka Syria oo ka socda rabshado u dhaxeeya Dowladda dalkaasi iyo kooxo Islaamiyiin sheegta.

Mid ka mid ah Aabayaasha gabdhahaasi oo lagu magacaabo Maxamuud lana hadlay Swedish Radio ayaa sheegay in ay la yaabeen markii uu fariin ka helay mid ka mid ah labadiisa gabdhood oo fariin qoraaleed u soo diray, uguna sheegaya in haddii ay is arki waayaan ay Janada isku arki doonaan.

Maxamuud oo ah aabaha labo ka mid ah gabdhahaasi ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in ay jiraan dad ku tashkiiliyay arrimahan oo qoray isla markaana ku shubay fikradaasi qaldan.

Waalidiinta Caruurtaan qaarkood oo da'doodu u dhaxeyso 19 ilaa 24 ayaa ku sugan dalka Turkiga si ay baadi goob ugu sameeyaan caruurtooda, waxaana caawinaaya oo ka warqaba sirdoonka dalka Swedan oo iyagana ku sugan dalka Turkiga.


Waxaa horay dalka Norway sidan oo kale ugu jihaad tegay labo gabdhood oo walaalo ah, kuwaasi oo aabahood uu ka daba tegay laakiin ku guul dareystay inuu soo helo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada