HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO: Man City oo ku guuleysatay Premier League

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO: Man City oo ku guuleysatay Premier League

daajis.com:-Man City ayaa saddex sano gudaheed ku guuleysatay labo jeer Premier League kaddib markii ay 2-0 Ku martay naadiga West Ham.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineyso kooxda Man City waxaana u saxiixay wiilka heysta diinta Islaamka ee Samir Nasri kubbad uu ka helay inanka kale ee isna Muslimka ah ee Yaya Toure daqiiqadii 39-aad kubbad uu ka soo laaday meel 25yrd u jirtay goosha dabadeedna inta birta ku dhacday shabaqa sii gashay.

Sidoo kale qeybtii hore ee ciyaartii Liverpool iyo Newcastle United ayaa lagu kala nastay 1-0 oo lagu hogaaminayo kooxda u tartameysa horyaalka ee Liverpool kaddib gool kama ah uu iska dhaliyay daafacooda Skrtel daqiiqadii 19-aad.
LLiverpool
Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaartii Man City iyo West Ham ayaa waxaa u sooro gashay Man City oo iyadu ciyaarta iska maamulenaysay inay la timaado goolkeedii labaad waxaana u saxiixay kabtankeeda Vincent Kompany daqiiqadii 49-aad.

Qeybtii labaad ee ciyaartii Liverpool ayaa isku gadisay 2-daqiiqo gudaheed kaddib markii ay goolal deg degsiimo leh is raacsadeen Daniel Agger iyo Daniel Sturridge oo ciyaarta ka dhigay 2-1 waxaana kaarka cas loo taagay Shola Ameobi oo ka tirsan Newcastle United.

Sikastaba ha ahaatee guushii ay gaartay Liverpool ayaa wax micno ah keenayn maadaama ay adkaatay kooxda Man City oo ahayd in laga adkaado si ay Liverpool ugu guuleysato horyaalka balse may dhicin taa oo Man City aya caawa ku dakeynaysa gegadeeda Etihad Stadium.
Maan City


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada