Dalka Etoobiya oo kacdoon shacab ka bilaawday iyo Rasaas ka dhaceysa magaalooyinka qaar

Dalka Etoobiya oo kacdoon shacab ka bilaawday iyo Rasaas ka dhaceysa magaalooyinka qaar

daajis.com:-Addis Ababa (Ogadentoday Press)- Iyadoo Magaalada Addis Ababa ka socdaan qul-qulatooyin Siyaasadeed oo u dhaxeeya Qoomiyada Oromada oo ah qoomiyada oogu baddan Dalka Itoobiya Iyo Xukumada Dowlada Itoobiya ayaa waxaa la soo dhoobay nawaaxiga Magaalada Addis Ababa Ciidamo baddan oo Militari ah.

Ciidamadan ayaan la ogayn qorshaha dhabta ah ee ay doonayaan balse xeel dheerayaasha Siyaasada Itoobiya ayaa ku fasiray cabsi galin lagu samaynaya Qoomiyada Oromada oo kacdoon balaadhan wada kadib markii Ismaamulka Addis Ababa uu go,aan saday innuu balaadhiyo Xuduudiisa la qeexay sannadkii 1995.

Ciidamada Itoobiya ayaa dilay illaa Soddomeeyo arday Jaamacada ah iyadoo Mudaaharaadyo xooggan gil gileen Itoobiya walaacna galiyay Xisbiga EPRDF.

Dadka Mudaaharaadaya ayaa gabi ahaanba gubay Bank Dowlada oo ku yaalla Magaalada Ginbi ee Gobalka Wellega oo Oromadu degto.

Itoobiya ayaa la filayaa in 2015 Dooradho balaadhan ka dhacdo midaas oo Qoomiyadaha Tigree iyo Axmaaradu isku hardinayso Siyaasada Dalka dhanka kalle walaac ay ka wada qabaan Awooda Siyaasadeed iyo wacyi galin ee Qoomiyada Oromada la soo baxayso.

xiggasho:- Ogadentoday Press

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada