Madaxweyne Xasan Sheekh |Hala soo maro waddada saxda ah ee Dastuurkeenna tilmaamayo"

Madaxweyne Xasan Sheekh |Hala soo maro waddada saxda ah ee Dastuurkeenna tilmaamayo"

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galabta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah Xildhibaannadii Baarlamaanka ee bayaanka soo saaray.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Xildhibaanadda Bayaanka ay ku soo jeediyeen ra’yigooda. Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaannada in uu aad u qadarinayo ra’yiga qof kasta oo Soomaali ah ha ahaado siyaasi ama shacab.

War saxaafadeed laga soo saaray xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu aqbalay warqada ka soo baxday Xildhibaanada oo ahaa bayaankii ka koobnaa 14-qodob oo saddex maalmood ka hor soo saareen, kaasoo ahaa in Madaxweynaha is casilo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaannada in uu diyaar u yahay in uu la fariisto qof kasta oo ra’yi qaba kana dhageysto islamarkaana qaato ra’yi walba oo wax dhisaya.

Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaannada qaar ee maanta u yimid in ay shalay iyaga oo idil soo doorteen maantana diyaar u yahay haddii la soo maro wadada saxda ah ee uu Dastuurka tilmaamayo.

Ugu Dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la ilaaliyo shuruucda dalka iyo dhaqanka Dowladnimada laguna ilaaliyo Dowladnimada dhaxdeedada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada