daajis.com:-Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicklos Key ayaa lagu wadaa in galabta uu la kulmo qaar ka mid ah Xildhibaanadii madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday inuu iscasilo,maadaama ay sheegeen inuu ku fashilmay balanqaadyadii uu sameeyay.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa warbaahinta u sheegay in dalabkooda yahay in Madaxweynaha is casilo, isla markaana aanay marna ka laaban doonin, iyagoo ku hanjabay hadii uu diido inay ka keenayaan mooshin.

Lama oga sida ay wax noqon karaan iyo mowjadahan siyaasadeed halka ay dul-hogan doonaan, waxaase la saadaalinayaa in xaalku noqon in Baarlamaanka ku soo biyo shubto, laguna kala baxo sidee doonta ha noqotee.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:38 and have
, Published at