Muuqaalka iyo qaabkii uu u dhacay mooshinkii ka Dhanka ahaa madaxweynaha Soomaaliya!!(Daawo+Warbixin

Muuqaalka iyo qaabkii uu u dhacay mooshinkii ka Dhanka ahaa madaxweynaha Soomaaliya!!(Daawo+Warbixin

daajis.com:-Muuqaalka iyo qaabkii uu u dhacay mooshinkii ay ka in ka badan 130 xildhibaan ay ka keeneen madaxweynaha Soomaaliya oo la soo bandhigay ayaa waxaa ka muuqday inay qeyb ka yihiin mooshinkaas xildhibaano iyo siyaasiyiin caan ka ah bulshada Soomaliyeed 


Xldhibaanadaan oo tiradoodu lagu sheegay in ka badan ilaa iyo 130 xildhibaan ayaa waxay mooshin ay ka keeneen madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ay kaga dalbanayaan inuu iska casilo xilka madaxweynanimo ee uu haayo, mudanayaashaan baarlamaanka ayaa waxay madaweynhaa ay ku soo eedeyeen inuu gudan waayey xilkiisa islamarkaana uu wax ka qaban waayey amaanka dalka gaar ahaana kan magaalada Muqdisho oo ay ku sheegeen inuu faraha ka sii baxayo maalinba maalinta ka dambeysa. 

Ugu dambeyntiina iyadoo xildhibaanadaas tirada badan ay codsigaas u direen madaxweynaha Soomaaliya ayaan waxaan la ogeyn jawaabta uu ka bixin doono madaxweyne Xasan Sheekh, Warar aan la xaqiijin oo ay maalmahaan isla dhexmarayeen saxaafada Soomaalida ayaa waxay sheegayaan in beesha caalamka iyo wadamada derisku ay qeyb weyn ka cayarayeen mooshinkaas laga keenay madaxweynaha Soomaaliya, Dalka Soomaaliya oo ah mid aan u bisleyn dimoqraadiyada ayaa waxay noqotey in loo isticmaalo si qaldan taas oo keentay inay howlihii dalka Soomaaliya uu kaga bixi lahaa dhibka heysta uu noqdo mid ay mar walba hakad geliyaan is qab qabsi ku saleysan dano gaar taas oo keentay in horey loo socon waayo islamarkaana la dhaafi waayo meeshii la joogay markii hore. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada