DEG DEG:- Madaxweynaha oo ka gudoomay Xildhibaanada warqadii tala soo jeedinta ee ku aadaneyd inuu is casilo

DEG DEG:- Madaxweynaha oo ka gudoomay Xildhibaanada warqadii tala soo jeedinta ee ku aadaneyd inuu is casilo

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ka gudoomay ilaa 41 Xildhibaan warqad qoraal aheyd oo ahaa bayaankii ka koobnaa 14-ka qodob ee Xildhibaanadii saddex maalmood ku shiray Muqdisho ay ku dalbanayeen inuu is casilo.


Warar goor dhow ay heshay daajis.com ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu si rasmi u aqbalay warqada, una sheegay Xildhibaanada u keenay inuu soo aqrisanayo, isla markaana uu ka munaaqishoon doono, kadibna uu u yeeri doono.
Ilaa 41 Xildhibaan oo ay iska soo xuleen in ka badan boqol xildhibaan oo saddex maalin ka hor kulan ku yeeshay Muqdisho, kana soo saaray baaq ah in Madaxweynuhu is casilo ayaa qoraaladooda talo soo jeedinta u kala gudbiyay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Wariyaha daajis.com ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in Madaxweynuhu uu si degenaan ku jirto kaga aqbalay Xildhibaanada warqada ay u gudbiyeen, isla markaana u sheegay in marka uu soo aqristo, kana soo tashto uu dib ugu yeeri doono.
Mid ka mid ah Xildhibaanadii ka mid ahaa gudiga oo diiday magaciisa in la xigto ayaa sheegay in Madaxweynuhu u sheegay in shalay ay doorteen Xildhibaanada, xilkana ka qaadi kartaan, hase ahaatee xil ka qaadista loo maro nidaam sharciga waafaqsan.

Lama oga in Madaxweynuhu ka aqbali doono dalabka Xildhibaanada iyo in kale, hase ahaatee waxaa la dhowrayaa go'aanka uu qaato, waxaana muuqata in xiisadan siyaasadeed ee ka dhex aloosan Xubnaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha in aaqirka ay u soo gudubto dhanka awooda Baarlamaanka oo lagu kala loolamo.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada