Qarax gaari lagu soo xiray oo ka dhacay Gudaha Jaamacad kutaala Magaalada Muqdisho

Qarax gaari lagu soo xiray oo ka dhacay Gudaha Jaamacad kutaala Magaalada Muqdisho

daajis.com:-War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada daajis ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhacay Gudaha Jaamacada Horseed ee kutaala Xaafada Buulo Xuubey ee Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxu uu ka dhashay gaari uu lahaa mid kamid ah Macalimiinta Jaamacaadsi oo lagu soo xiray Waxyaabaha qarxa , Macalinkan gaarigiisa qaraxa loogu soo xiray ayaa la tilmaamay in uu u shaqeeyo Dowlada Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay Mid kamid ah Ardayda Jaamacada Horseed ayaa dhaawac kasoo gaaray qaraxa lagu soo xiray gaari kaarib ah uu lahaa Macalin Jaamacadaasi katirsan , Xaalada Jaamacada ayaana noqotay mid lagu kala carararo uu qal qal badan ka dhashay.

Xaalada Jaamacdaa Horseed ee goordhaw uu qaraxu ka dhacay ayaa ah mid dagan , waxaana halkaasi gaaray Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo halkaasi ka sameeyay baaritaano aan wali wax natiijo ah kasoo bixin.

Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhay qaraxyada gaadiidka loogu soo xiro Masuuliyiinta Dowlada iyo dad si gaar ah loo bartilmaameedasanayo, waxaana qaraxii ugu dambeeyay oo gaari lagu soo xiray Isbuucii hore ku dhintay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada