Daawo Sawirada:- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo qalab isboorti gudoonsiiyay Gabdhaha Kubada Kolayga 8-degmo

Daawo Sawirada:- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo qalab isboorti gudoonsiiyay Gabdhaha Kubada Kolayga 8-degmo

daajis.com:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa qalab isboorti ku wareejiyay gabdhaha kubbadda kolayga siddeed degmo oo gobolka Banaadir ka tirsan, xilli ay socoto qaban qaabada koobka kubbada kolayga gabdhaha Gobolka Banaadir oo labada bisha May ka furmi doono garoonka Degmada Cabdi Casiis

Agabkan oo qeyb ka ah Mashruuca xasilinta xilliga kala guurka ah oo ay Maalgeliso hay’adda gargaarka u qaabilsan Mareykanka ee USAID ayaa waxaa ka faa’deysanaya 120 ciyaartooy oo haween ah iyaga oo helaya min laba joog oo dharka lagu ciyaaro ah, kabo iyo kubbadaha basket-ka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in uu isboortigu muhiim u yahay bulshada oo uu ka mid yahay waxyaabaha abuuro is dhex galka bulshada, sidaas darteedna uu gobolku taageeri doono. 

"Barnaamijyada ay bulshada ku xiriirto gobolku mas’uuliyadda gooni ah ayuu siinayaa, muhiimmadda koowaad ayeyna noo tahay waana taageereeynaa"ayuu yiri Gudoomiye Muungaab.

Gudoomiyaha ayaa taageero dheeraad ah u ballan qaaday bahda isboortiga iyo dhallinyarada isla markaana ka codsaday agaasinka isboortiga in ay la yimaadaan qorshe cad oo lagu taageero. 

"Hadii aan dhallinyarada howlahan lagu mashquulinin wax kale ayey ku mashquulaayaan, waad ogtihiin dhallinyarada waa la isku heystaa waxaa jiro kooxo ku dhiiri gelinaaya in ay is qarxiyaan, marka hadii aan qorshe loo abuurin meel ayay fariisan doonaan" ayuu yiri Gudoomiye Muungaab. 

Gudoomiyayaasha isboortiga degmooyinka Wadajir, Boondheere, C/Casiis, Shibis, Xamar Jajab, Waaberi, Dayniile iyo Hodon oo ay la socdaan maclimiinta kubadda kolayga gabdhaha degmooyinkaas ayaa ka mahad celiyay agabkan isboorti oo uu gobolku ugu deeqay.

Waa markii ugu horreeysay muddo 6 sana ah oo tartan kubbadda kolayga ah loo qabto gabdhaha degmooyinka gobolka Banaadir, walow ay jiraan kooxa badan oo gabdho ah oo ka hana qaaday degmooyinka oo ciyaara kubbadda kolayga.

Mashruuca Danguud ee gobolka Banaadir oo qeyb ka ah Mashruuca xasilinta xilliga kala guurka ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu haweenka ka taageerayaa kor u qaadista xirafadahooga dhanka isboortiga ah iyado oo la qorsheynayo in qaar ka mid ah haweenka degmooyinka gobolka lagu taareeyo agab dheeraad ah oo ka kaalmeynaya jir-dhiska iyo tababarrada dhanka isboortiga ah.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada