Ra'iisul Wasaaraha oo la kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey (Sawirro)

Ra'iisul Wasaaraha oo la kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey (Sawirro)

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ugu qaabilsan taageerada Nabadda Judy–Cheng Hopkins iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay Danjire Nicholas Kay, waxaana Kulanka si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Nabadda iyo la dagaalanka Al-Shabaab. 

Ujeedka kulanka xubnaha ka socday QM ayaa maanta la qaateen Ra’iisul Wasaaraha ayaa ahaa sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen dib-u-heshiisiinta iyo nabadda, waxayna balan qaadeen kaalmo deg deg ah oo loogu talagalay fulinta nabadaynta Soomaaliya, iyadoo sidoo kale xubnaha ka socday QM ay isku soo qaadeen Ra’iisul Wasaaraha teegeerida dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha laga xoreeyey kooxaha Al-shabaab.

“Arrimaha ugu muhiimsan oo aan isku soo qaadnay waxaa ka mid ah dar-dar gelinta dib-u-heshiisiinta oo Xukuumadayda u leh mudnaanta kowaad, waxaana siyaasad ahaan noo qorshaysan inaan Soomaaliya nabadayno. Hadda waxaana ka bilownay gobollada dib-u- heshiisiin dhex marta dadka wada daga, meel fiican ayayna marayaan howlaha dib-u-heshiisiinta oo ka socda gobollada qaarkood, waxaa arrintaas bar bar socda howlo lagu xasilinayo goobaha laga saaray nabad diidka"ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo xusay in dowladda Soomaaliya ay ku jirto xilli xasaasi ah oo dadku sugayaan in dib habayn lagu sameeyo dastuurka, hirgalinta federaalisamka, iyo gaarsiinta adeegyada bulshada goobaha laga saaray Shabaab.

Sidoo kale Kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ugu qaabilsan taageerada nabadda marwo Judy -Cheng Hopkins ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha isla soo qaadeen arimo ay ka mid tahay dib-u-habaynta Dastuurka dalka iyo hirgelinta nidaamka federaalisamka. 

“Waxaan la qaadanay Ra’iisul Wasaaraha kulan miro dhal ah, waxaan ka wad hadalnay sidii dib u habayn loogu samayn lahaa Dastuurka dalka, loona hirgelin lahaa nidaamka Federaalisamka, iyo sidii goobaha laga xoreeyey Alshabaab loo taageeri lahaa dhalinyarada iyo haweenka, iyo sidoo kale sidii aan kaalin muuqata uga qaadan lahayn arrimaha dib-u-heshiisinta iyo wacyi gelinta bulshada, waxaan diyaarinay dhaqaale lagu hormarinayo dib-u-heshiisiinta” ayey tiri Judy –Cheng Hopkins. 

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa dhankiisa qiray in Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhanka dhaqaalaha, siyaasadda, iyo nabadgalyada, wuxuuna ballan qaaday in xafiiskiisu door muuqda ka qaadan doono hirgalinta qodoabadii labad dhinac isla soo qadeen,sidoo kale Kay waxaa uu sheegay in ay ku soo aadey booqashada Judy xilli dalka laga xoreeyey gooba badan kooxaha nabad diidka ah, noloshuna ay ku soo noqotay si caadi ah. 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada