Saraakiisha AMISOM oo sheegay in Al-Shabaab meydad uga carareen duleedka Buulo Burde

Saraakiisha AMISOM oo sheegay in Al-Shabaab meydad uga carareen duleedka Buulo Burde

daajis.com:-Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa guulo ka sheegtay dagaalo xalay ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Buulo Burde, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidamada ku sugnaayeen.
Abaanduulaha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Buulo Burde Jen. Cusmaan Nuur Subagle ayaa sheegay in lix ka mid ah meydadka Al-Shabaab ay yaalaan duleedka, isla markaana ay jiraan dhaawacyo badan oo ay qaateen sida uu yiri.
“Xalay 10-kii iyo barkii meel qoraxsin oo duleedka Buulo Burde ayay cadawgii iyagoo labo koox soo weerareen, waxaa ciidamada laga dhigay wax la dilay iyo wax la dhaawacay, meydadkooda oo ilaa lix ah waxay yaaleen qoraxsin”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada Jabuuti.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay mar walba isku dayayaan inay soo weeraraan Buulo Burde, maadaama ay aheyd meeshii isku xireysay Koofur iyo Waqooyi, gaar ahaan Buundada Buulo Burde.
“Buulo Burde meel ay ka quusanayaan ma ahan, waa meeshii isku xireysay Koofur iyo Waqooyi, Buundada hunguri ayay u aheyd, waa kala go’een wixii Bari jiran ciidankooda go’doon ayuu ku jiraa, taas ayaa keentay in mar walba soo weeraraan”ayuu mar kale hadalkiisa raaciyay Jen. Subagle.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in meydadka Al-Shabaab ka tageen ay u soo bandhigayaan saxaafada, inkastoo aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab.
Degmada Buulo Burde oo muhiim u aheyd Al-Shabaab, ayaa waxay gacantooda ka baxday bishii Maarso ee sanadkan, markii ciidanka dowladda iyo kuwa Jabuuti oo ka baxay magaalada Beledweyn ay si dagaal la’aan kula wareegeen, markii ay ka baxeen Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada