Sawirro: B/weyne oo looga bannaanbaxay baaqii Xilibaanada..

Sawirro: B/weyne oo looga bannaanbaxay baaqii Xilibaanada..

daajis.com:-Shacabka ku nool magaalada B/weyne ee Xaruunta G.hiiraan, ayaa maanta sameeyay banaan-bax weyn oo looga soo horjeedo baaqii xilibaanada M/weyne Xasan Shiikh ka dalbaday inuu is casilo.

Dadka isku soo baxay oo ay ka dhax muuqdeen odayaal dhaqameed, haween iyo dhalinyarro ayaa dhamaantood waxaa ay cabireen dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan is-casillada loogu baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Dadka isku soo baxay waxaa la hadlay, Nabaddoon Max’uud Axmed Xooshoow & Waxaana uu sheegay in dhawaaqa ka soo yeeray xildhibannada uusan aheyn mid u daneynaya rabitaanka shacabka oo sida uu hadalka u dhigay hadda uu u iftiimay nidaamkii dowladnimada.


Ummadda Soomaaliyeed way kasoo daaleen in maalin kasta mas’uul shaqadiisa gudanaya mooshin laga keeno, maanta waxaa ay joogtaa madaxweynaha in sabab la’aan xildhibaanno meel ku shiray ugu baaqaan in uu xilka dego, waxaan leenahay xildhibaannada wax leydiinka fadhiyay arrintan ma’aha, howlo intaa ka culeys iyo miisaan badan ayaa idin hor yaalla, waxaa leydka doonayaa marka hore in aad gudataan waajibaadka iyo mas’uuliyada aad shacabka u qaadeen, yaa idinla xisaabtama, ma’aha in aan awooda aan leedihiin ku takri fashaan, dalkana khal khal siyaasadeed la galiyo,’’ ayuu yiri nabadoon Xooshoow.

Sidoo kale dadkii goobtaas ka hadlay, waxaa kamid ahaa Faadumo Xaaji Afcadeyn, waxaana ay ka dhawaajisay sheegtay in laga gudbay ku-meel-gaar islamarkaana sidda ay hadalka u dhigtay madaxweyne Xassan Sheekh uu dhameysanayo waqtiga loo idmaday shaqada xafiiska, waxaana ay kula dardaarantay xubnaha baarlamaanka in ay dib uga noqdaan go’aanka ay qaateen. 







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada