Shanta Xiddig Ee Van Gaal Lasoo Imaan Karo United.

Shanta Xiddig Ee Van Gaal Lasoo Imaan Karo United.

daajis.com:-Inta badan saxaafadda caalamka ayaa isku raacay in Louis Van Gaal uu yahay tababaraha cusub ee kooxda United, Sky Sports ayaa sii xoojisay in Van Gaal uu badali doono tababaraha KMG ee Giggs, sida ay sheegtay Daily Star Van Gaal ayaa niyeestay inuu lasoo xirogalo dhowr ciyaaryahan oo ay kamid yihiin:
1- Cesc Fabregas
Laacibkaan khadka dhexe ee kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa kufaraxsaneen kooxdiisa, 27 jirkaan ayaa loobadinayaa inuu kasoo hadaafo Camp Nou ama ay qaado seefta dib uhabeynta ee lagu sameen doono kooxda, United waxey kuqaadaneysaa 45M iyo mushahar 200 oo kun oo Euro ah isbuuc walbo.
2- Toony Croos.
Suuqii udanbeeyay ee kala iibsiga ciyaartoyda bishi January ayaa si aad ah loola xariiriyey inuu soo aado Old Trafford, iyadoo markaas uu caleemo saartay tababarihii hore ee United David Moyes, sidaas ay tahayna weli dalabaadka lataaban karo ee Red Devils, kadib kirikeeshinkii ku yimid xariirka ciyaaryahanka iyo tababaraha kooxda Pep Guardiola ayuu muujiyey Kroos inuu jecel yahay inuu kubiiro Manchester United.
3- Marco Reus.

Kooxda reer England waxaa sahal kudhaafay weeraryahanka kooxda Dortmund Lewadowski oo ay daneeneesay, balse waxey tooshka uleexisay Marco Reus, 24 jirkaan ayaa lagu qiyaasay in qandaraaskiisa lagu furan karo 35M oo kaliya.
4- Mats Hummels.

Laacib kale oo katirsan kooxda Borussia Dortmund oo soo jiitay indhaha Van Gaal waa daafaca kooxda iyo qaranka Germany Mats Hummels, waxaa loobadinayaa inuu badalo booska daafaca duqoobay Rio  Ferdinand, wararka waxey sheegayaan in 25M kuqaadaneeso United inay lasoo saxiixato.
5- Kevin Strootman.
Ciyaaryahankaan uu soo gaaray dhaawac garabka ah waxaa laga yaaba inuu seego koobka adduunka, balse Van Gaal weli dooribiinka ayaa usaaran ciyaaryahankaan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada