Maamul ka madax banaan Dowlada oo laga dhisay Gobolka Hiiraan

Maamul ka madax banaan Dowlada oo laga dhisay Gobolka Hiiraan

daajis.com:-Nabadoon Jamaal Xaaji Cali oo ka mid ah Waxgaradka gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta Risaala Ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay sameysteen maamul iyagu u gaar ah ka dib markii uu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay iska dhegatirtay Codsi badan ay u jeediyeen.
Wuxuu sheegay Nabadoonka in markii ay dalabyo badan u gudbiyeen Dowlada Soomaaliya lagana soo jawaabi waayay Shacabka Hiiraan go’aansadeen in maamul u gooni oo ka shaqeeya danahooda sameystaan,isagoona carabka ku adkeeyay in maamulka hada ay sameysteen uu diirada saari doono rabitaanka Shacabka.
Gudoomiyaha maamulka KMG Ee gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa wali wax hadal ah ka soo saarin maamulkaan Waxgaradka Hiiraan kaga dhawaaqeen gobolkaasi.
Waxgaradkaan ka soo jeeda Hiiraan ayaa u muuqda kuwo dhaliilsan maamulka dhawaan uu madaxweynaha Soomaaliya sida KMG ah ugu soo magacaabay gobolkaasi gudoomiyahana uu ka yahay C/fitaax Xasan Afrax.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada