Sheekh Xasan Dahir Aweys oo markii u horeysay 11-bilood kadib ka hadlay arrimo badan oo muhiim ah

Sheekh Xasan Dahir Aweys oo markii u horeysay 11-bilood kadib ka hadlay arrimo badan oo muhiim ah

daajis.com:-Hogaamiyihii hore ee Ururkii Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ku jira gacanta dowladda ayaa markii u horeysay hadlay 11-bilood kadib, iyadoo khudbad uu uga hadlayay xaalada dalka oo uu soo duubay laga sii daayay Idaacadaha Muqdisho.

Sheekh Xasan Dahir oo xabsi guri ah, walina la rumeysan yahay in aan mowqifkiisa ka tanaasulin ayaa khudbadiisa aheyd mid ka duwan hadaladiisa hore, iyadoo sheegay in dalka wali gumeysi ku jiro.

Khudbadiisa ayuu ku soo beegay maalmo kadib 15-ka May oo ku beegnneyd 71-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay ururkii gobonimo doonta ee SYL, waxaana uu sharaxaad ka bixiyay halgankii loo soo maray dalka iyo meesha hada taagan yahay.

Sheekh Xasan Dahir ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay cadawgii ku dareen shacabka oo dagaalkooda ku soo leexiyeen, isagoo xusay in taas tahay arrin aan la qarin karin oo ceeb ku ah Shabaab sida uu yiri.

"Umadii soomaaliyeed ee dhibka heystay, oo cadaw heystay islaamka laga fogeeyay dantoodi laga fogeeyay oo la kala qeybiyay oo la rabay in cadawgii laga fujiyo, ayagii la isku soo celiyo ayay aheyd, intii yareyd oo SYL ay keentay aheyd in hal umad inay noqoto ayaga dantooda la fahamsiiyo, dantooda loo dagaalamo, dantooda loo soo celiyo ayay aheyd ayaa waxaa moodaa in dagaalkii ku dareen Soomaalida oo dhan, dagaalkii cadawga lala dirirayay in shacabka lagu daray"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir.

Xasan Dahir oo sii hadlayay ayaa yiri "waxaa dhacday oo faasiladaas xun ayaa ka timid dadkiiina cadawgii lagu daro, maanta aan jihaadkii la maqashiin karin, islaamiyiinta la maqashiin karin, cadawgiina ay gacal moodayaan runtii ceebtaas weyn ayaa timid, waa ceeb weyn shabaabka ay sameeyeen waaye, wax la qarin karo ma ahan oo qof walba garanayo"

Waxaa uu sheegay in wali dalka uu heysto cadaw, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay Itoobiya oo uu xusay in dalka maamulo qabiilo ah ay u kala qeybisay, isla markaana maamul walba uu iyada u tagayo, lana soo shirayo sida uu yiri.

"Wadanka cadaw baa heysta Itoobiya ayaa heysata kuwa ayaga la mid ah ayaa heysta kuwo ayaga la mid ah oo cadaawo naga dhaxeyn jiray baa heysta waxa weeyaan dad la heysta baa nahay oo cadaw na heysta, gumeysigii waa soo noqday asagoo kii ka xun, ka culus, ka badan oo waliba si caalami nagula daray, waagii hore dowlad dowlad u duuli jireen Talyaaniga meelu qabsan jiray Ingiriiska meeluu qabsan jiray, Faransiiska meeluu qabsan jiray, laakiin hada waxa weeyaan kuligood inta isu keen tageen ayaa kuwii ugu liitay ee qabaanada ahaa ayaa nalagu soo salimay, hada waxaa nagu soo socota 1-July waa gobonimo loo dabaal degayo wadankiina waa la heysta waa la og yahay, maxaa loo dabaal degaa Gobonimo"ayuu yiri Xasan Dahir Aweys.

Mar uu soo hadal qaaday maamulada gobolada laga dhisayo ayuu xusay in qabiil kasta oo Soomaaliya ku nool uu dowlad noqday, isagoo xusay in taas ay tahay qatar weyn oo ku soo socota Soomaaliya.

"Hada gobol gobol naloo qeybiyay gobol walba Itoobiya ku xiran yahay hadii Puntland tahay Itoobiya ku xiran tahay, Madaxweynahooda addis ababa ayuu iska xaadiranayaa ayaga u warbixinayaa, Somaliland sidoo kale, Jubaland ayaga gacal u ah ayage u ordayaan, kuwa Muqdisho ayage u tagayaan, sida hada dhacday markee is qabtaan ayage ku ordayaan oo kala bixinaya. arrintaas waa arrin qatar, Isaaq waa dowlad waaye, waa majeerteen dowlad waaye, waa Hawiye dowlad waaye, raxanweyn dowlad waaye, ogaadeen dowlad waaye wixii dhamaana addis ababa ayaa laga xumaa"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir.

Ma cusba in Xasan Dahir uu ku eedeeyo hogaanka Shabaab inay ka leexdeen jihaadka ama arrimo kale, iyadoo markii uu taagnaa khilaafka u dhaxeeya ragg uu Xasan Dahir ka mid ahaa iyo hogaanka sare ee Al-Shabaab uu marar badan ku eedeeyay keli talisnimo iyo in awooda isku koobay.

Bishii June ee sanadkii hore ayay aheyd markii Xasan Dahir Aweys loo soo gacan geliyay dowladda Soomaaliya, kadib markii uu dooni kaga soo baxsaday degmada Baraawe, kadib markii Al-Shabaab ay dileen saraakiil ka tirsanaa oo khilaaf kala dhaxeeyay hogaamiyaha Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada