Soomaaliya oo gashay heerka ugu hooseeyay caalamka oo hooyooyinku ku umul raacaan (Daawo Sawirada)

Soomaaliya oo gashay heerka ugu hooseeyay caalamka oo hooyooyinku ku umul raacaan (Daawo Sawirada)

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa maanta ka qayb galay xafalad lagu daah furayey Barnaamijka Caafimaadka Asaasiga ah oo ay soo qaban qaabisay wasaarada Caafimaadka.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda, dhakhaatiir, khubaro dhanka caafimaadka ah, Danjiraha boqortooyad Ingiriiiska u fadhiya Soomaaliya, Isku xiraha arrimaha bani’adannimada Soomaaliya, qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah iyo maamulka gobolka banaadir.

Ugu horrayntii ku simaha Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Faarax ayaa faah faahin dheer ka bixiyey habka uu ushaqanayo barnaamijkaan oo aan noociisa horay looga hirgelin dalka, iyo inta qaybood oo ka kooban yahay.

“Barnaamijkaan wuxuu soo socday muddo afar sano ah, waxaana uu soo maray maraaxil kala duwan, waxaana maanta noo suurta gashay inaan soo gaarsiino heer aan u soo bandhigno shacabka Soomaaliyeed, waxaana si tijaabo ah uga fulinaynaa sagaal gobol.

Waxaa dalkeena ka jira dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah, taas oo sabab u noqotay dowlad la’aanta aan ku soo jirnay mudada badan, waxaase rajo fiican ka qabnaa in barnaamijkaan uu wax weyn ka badeli doono xaaladaha caafimaad ee ka jira dalka” ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Faarax oo dhanka kalana xusay in Soomaaliya ay caalamka kaga jirto heerka ugu liita ee hooyadu ay ku dhimato xilliga dhalmada. Waxaa hela Umiliso aqoon leh 9% halka 91% aysan helin. Waxaa intaas sii dheer in caruurteena 40% kaliya ay helaan talaalka caafimaadka.

Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ayaa soo dhaweeyey barnaamijkaan cusub, wuxuuna ballan qaaday in dowladiisa oo la kaashanaysa deeq bixiyayaasha ay qayb muhiim ah ka qaadan doonto sidii Soomaaliya u heli lahayd caafimaad taaba gal ah, sidoo kale Danjiraha ayaa sheegay in Dowladda Ingiriiska ay lacag faro badan oo loo isticmaalay tayeynta adeegyada caafimaadka ugu deeqday Soomaaliya.

Ugu danabayntii Ra’iisu Wasaare Cabdiwali Sh Axmed ayaa sheegay nidaamka caafimaadka dalku inuu yahay mid aad u liita ayna xukuumadiisu mudnaanta koowaad siinayso sidii uu miro dhal u noqon lahaa barnaamijkaan cusub.

“Aad ayaan uga xanuunsanayaa in Hooyada Soomaaliyeed aysan helin daryeel caafimaad xilliga ay ku guda jirto dhalmada, maanta Soomaaliya waxay gashay heerka ugu hooseeyay caalamka oo hooyooyinku ku umul raacaan, waa in aan aad uga fakernaa sidii wax looga qaban lahaa caafimaad xumada haysata Hooyooyinka iyo Caruurta oo ah kuwa ugu nugul bulshada, waxaan ka rajaynayaa in caalamku nagu garab istaagayo hirgelinta adeegyada caafimaadka, ummadd aan caafimaad lahayn ma gaari karto horumar iyo nolol fiican” ayuu yiri Ra’iisu Wasaare Cabdiwali.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka da’daalka ay ugu jirto dadka Soomaaliyeed sidii ay ku heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo dhamaystiran, isla markaana meesha ka saara dhibaatooyinka soo wajaha hooyooyinka Soomaaliyeed xiliga dhalmada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada