Dhakhtar soomaali ah oo isbitaal ku dhex kufsaday gabar norwiiji ah

Dhakhtar soomaali ah oo isbitaal ku dhex kufsaday gabar norwiiji ah

daajis.com:-42-jir dhakhtar (sykepleier) soomaali ah ayaa lasoo taagay maxkamad ku taal degmada Romerike ee gobolka Akershus kadib markii lagu eedeeyay in uu ku dhex kufsaday gabar 19-jir oo norwijiyad ah isbitaalka A-hus ee ku yaal deleedka magaalada Oslo.

Dhacdadan oo dhacday 2006-dii ayaa markii ay gabadha dacweysay dhakhtarka uu u baxsaday dalka Canada halkaas oo uu qoxootinimo iska dhiibay, balse sideed sano kadib gacanta ay kusoo dhigeen booliska dalka Canada.

Maxkamad dhawaan lasoo taagay 42-jirkan dhakhtarka soomaaliga ah ayaa waxaa uu ku qirtay falka kufsiga, waxaana uu maxkamada ka dhex yiri:
"Waxaan siiyay kiniinka hurdada ee loo yaqaan Diazepam, oo waxaan sugay daqiiqado si uu kiniinka u saameeyo.. Dabadeed waxaan hoos u dhigtay surweelka oo aan qabsaday shaqadeyda ilaa aan aniga iskey u joojiyay", ayuu yiri.

Gabadha la kufsaday ayaa sheegtay in ay la socotay waxa uu sameynayay dhakhtarka, balse eysan hayn tabar ay ku joojiso maadaama kiniin la siiyay.

Qareen dowladda u dooda ayaa codsanaya in ninkan soomaaliga ah lagu xukumo xabsi sadex sano iyo sadex bilood, sanad ka mid ahna loo cafiyo maadaama uu qirtay dambiga uu galay.

Waxaa laga mamnuucay in uu ku shaqeeyo qaab kal-kaaliye dhakhtareed noloshiisa.

Xukunka maxkamadda ayaa dhacaya maalinta berito ah oo maalin Jimca ah.

XIGASHO:

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada