Wadanka Brunei Daarusalam oo shareecada Islaamka lagu soo rogay

Wadanka Brunei Daarusalam oo shareecada Islaamka lagu soo rogay

daajis.com:-Boqorka Brunei ayaa soo saaray wareegto uu dalkaas ugu soo rogay Shareecada Islaamka.
Waxaa la sheegayaa in sharcigaas uu qeyb ka yahay in dadka gacmaha laga gooyo, isla markaana dhegax lagu dilo.

Qorshaha ah in sharcigan la soo rogo ayaa lagu dhawaaqay sanad ka hor, balse dib ayaa loo dhigay.

Salaadda Jimcaha

Sharcigan cusub ayaa sidoo kale dhigaya in qofka tegi waayo Salaadda Jimcaha, la ganaaxi doono ama la xiri doono.
Dhaqangalka qeybta labaad ayaa waxaa ka mid ah in dadka Khamriga cabo la karbaasho, tuugadana gacmaha laga guro.
Dadka gaysta gogol-dhaafka iyagoo horey u guursaday ayaa dhegaxan lagu dili doonaa.
Boqor Xaaji Xasan Bolkiah ayaa sheegay in sharcigan uu yahay mid ka yimid dhanka Alle.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada