Xog: Magacyada, beelaha & qorshaha 8-xildhibaan ee horboodeysa mooshinka ka dhanka ah MD Xasan Sheikh

Xog: Magacyada, beelaha & qorshaha 8-xildhibaan ee horboodeysa mooshinka ka dhanka ah MD Xasan Sheikh

daajis.com:-Shabadda ayaa Xog aruusrsi ku sameesay Qaar Kamid ah Xildhibaanada horkacaya ololaha looga soo horjeedo Madaxweyne Hassan Sheekh ujeedkooda iyo waxa ay tabanayaan Waxaana Soo Qaadanaynaa Qaar kamid ah Xunbahaas Waxaana Kamid ah:
 Xildhibaan Cabdulqadir Cali Cumar 
• Xiligii Doorshada wuxuu xildhibaanku sheegay inuu codadkii uu helay wareega 1-aad oo ahaa 28 cod uu ku wareejiyey Madaxweyne Hassan Sheikh, isagoo sheegay in Madaxweyne Hassan uu ka filayey inuu siin doono lacagtii ka gashay ololihii doorashada, lacagtaas oo uu sheegay inaan weli waxba laga siinin.
• Xildhibaan Cabdulqaadir wuxuu sheegay in shirkad uu wax ku lahaa oo lagu magacaabo Deeqo oo shidaalka siin jirtay diyaaradaha Garoonka Muqdisho yimaada laga dhigay tartan furan haatana shirkad kale la siiyey. Sidoo kale Xildhibaanku wuxuu aaminsan yahay in Beesha Warsengeli xilalkii iyo ilihii dhaqaalaha ee ay maamuli jireen Xiligii RW Cali Geedi iyo Madaxweynihii hore Shariif inay hoos u dhacday.
• Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble wuxuu aaminsan yahay in Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Beesha uu kasoo jeedaba (Waceysle) dalka hogaamin Karin, uuna isaga beel ahaan (Harti Abgaal) iyo shaqsi ahaanba uga fiican yahay inuu dalka hogaamiyo, arintaas oo siyaasiyiin iyo Xildhibaano dalka degenaanshihiisa diidaya dhegta ugu sheegeen.
Xildhibaan Shariif Hassan sh Aden
• Xildhibaan Shariif Hassan Sh Aden wuxuu ku riyoodaa in Mar loogu yeero Madaxweynaha Koofur Galbeed ee 3da gobol si uu taas u gaarana wuxuu aaminsan yahay in ay caqabad ku yihiin Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari si uu taas u gaarana wuxuu geed dheer iyo geed gaabanba u korayaa in Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Meesha laga Saaro.
• Xildhibaan Shariif Hassan Sheikh Aden ayaa aaminsan in dhowaan fadeexaadii siyaasadeed ee kula soo dhacday Baydhabo mar uu booqasho ku tagay oo aheyd in markii ugu horeysay ee Beel weynta Digil iyo Mirifle ay si cad u diideen siyaasadda Shariifka iyo inuuba gudaha usoo galo Magaalada Baydhabo uusan gacan fiican ka helin Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, sidaa daraadeedna wuxuu ka shaqeynayaa in Madaxweynaha isagana la dhaawaco,siyaasiyan, dadkiisana laga horkeeno.
Xildhibaan Cabdulqadir Cali Cumar 
• Wuxuu tabanayaa in Agaasimihii Madaxweynaha Kamaal xilka laga qaaday laguna badelay wiil kasoo jeeda Beesha Madaxweynaha oo lagu magacaabo Taabit
• Xildhibaanku wuxuu ku doodayaa in Gudoomiyanimada Degmada Xamarweyne oo laga qaaday beesha Saleemaan, isla markaana aan laga siinin Gudoomiye ku xigeen, iyadoo ku xigeenada la siiyey Beesha Murusade, Sidoo kale inaan Beesha Saleemaan laga siinin gudoomiye ama ku xigeeno degmooyinka kale ee Muqdisho intii ay horey ku xigeenada ka ahaayeen.
• Xildhibaanku wuxuu ku doodayaa in balan qaad ahaa wasiiru dawlaha Madaxtooyada oo Madaxweyne Hassan Sheikh uu horey ugu balan qaaday beesha Saleemaan uu uga baxay, isaga oo Madaxweynaha Beesha ku eedeeyey in Xiligii Riditaanka Raisul wasaarihii hore Dr Saacid aysan beeshu gacan ka geysan.
• Xildhibaanku wuxxu ku doodayaa In xuquuqdii guud ahaan beesha Habargidir gaar ahaan Saleemaan inuu ku tuntay Madaxweyne Hassan Sheikh, taageerada beesha u heysayna uusan tixgelin, xuquuqdoodiina uu dhaafsiiyey.
• Xildhibaanku wuxuu tabanayaa Xubinta Wasiirnimo ee Beesha Habargidir aan xildhibaanada iyo waxgaradka Beesha lagala tashan, jagadaasna la siiyey nin firqo diineed kasoo jeeda oo lagu Magacaabo Cabdikariin, shaqsigaas oo aan aqoonin amni, dalkana geliyey dib u dhac weyn.

Xildhibaan Cumar Finish 
• Xildhibaan Cumar Finish wuxuu rabay in Degmada Wadajir Gudoomiye looga dhigo wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Qoondhe, arintaas oo uu Xildhibaanku ku fashilmay.
• Xildhibaan Cumar Finish oo markii uu ku guuldareystay in wiilka uu adeerka u yahay Ahmed Daaci lagu bedelo u sheegay Ahmed Daaci inuusan xilka wareejin, taas oo Ahmed Daaci ku gacan seyray si sharf lehna uu xilka u wareejiyey.
• Xildhibaan Cumar Finish wuxuu ku doodayaa in Beesha Daauud Wacbuudhan ay ku yar tahay 3 degmo in laga siiyo magaalada Muqdisho, ayna tahay in looga badiyo
Xildhibaan Sanyare 
• Xildhibaan Sanyare wuxuu ka soo jeedaa Puntland wuxuuna u joogaa Xamar inaan Caasimada Dalka degin, Kanbaniyada Turkigana laga joojiyo shaqooyinka dib u dhiska Garoonka, Jidadka iyo Dekeda Muqdisho.
• Xildhibaan Sanyare wuxuu aaminsan yahay in Hogaaminta Dalka ay leedahay Beesha Majeerteen, suurtagalna aysan ahayn in Dawlad Majeerteen uusan Madaxweyne ama Raisulwasaaraha ka ahayn aysan shaqeyn, fikirkaas oo uu taageero uga heysto Maamulka Puntland.
• Xildhibaan Sanyare oo la sheego inuu Mushaar labaad ka helo Puntland inuu u joogo Muqdisho in Xamar laga ilaaliyo siyaasad degan, sidoo kalana is fahanka laga ilaaliyo siyaasiyiinta reer Muqdisho
• Xildhibaan Sanyare wuxuu aaminsan yahay Magacaabida Gen Muungaab ee loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banadir, lana hoos keenay Laamaha amniga Gobolka Banaadir ay suura gal tahay in ay keento Muqdisho oo nabad ah, Muqdisho oo nabad ahna ay keeni karayso in Muqdisho Xisaabtanto, lana timaado in ilaha dhaqaalaha (Dekedaha, Garoomada, Canshuuraha) Gobolada Soomaaliya dhaqaalaha lagu wadayo DF Soomaaliya laisku darsado.
Xildhibaan Cabdirashiid Xidig 
• Xildhibaan Xidig wuxuu kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu aad u taagersan yahay Maamulka KMG ah Juba ee Ahmed Madoobe hogaamiyo, wuxuu doonayaa in Xaalada siyaasadeed ee Caasimada Muqdisho laga ilaaliyo degenaanshaha si aan dawladu ugu mashquulin in ay codsato in lagu wareejiyo Maamulka Dekeda iyo garoonka Kismaayo.
• Xildhibaanku wuxuu dhaqaale badan ka helaa Hogaamiyaha KMG ah ee Juba si aan baarlamaanka DF Soomaaliya loo horkeenin heshiiskii lagu aqoonsaday MKG ah ee Juba, wuxuuna markasta kiciyaa xasarad taabanaysa siyaasiyiinta Muqdisho.
• Xildhibaan Xidig wuxuu mushaar labaad ka qaadaa maamulka KMG ah ee Jubba wuxuuna difaac uga jiraa in Heshiiskii dawladu ku aqoonsatay MKG ah Juba la horkeeno Baarlamaanka, xildhibaanka dantiisu waxaa weeye inuu xasarad iyo qalaanqal joogto ah lagu haayo Madaxweynaha, Wasiirka amniga iyo Wasiirka arimaha Gudaha, si dawladda looga mashquuiyo arimaha Kismaayo.
Xildhibaan Cabdulqaadir Macalin Nuur 
• Xildhibaankani wuxuu kasoo jeedaa Beesha Waceysle, wuxuu doonayey in loo magacaabo Wasiiru Dawlaha madaxtooyada, taas oo uu ku hungoobay.
• Xildhibaan Cabdulqaadir Macalin Nuur oo aad uga dagaalamayin Madaxweyne Hassan Sheikh soo galo Baarlamaanka xiligii xulida Baarlamaanka, isaga oo booska xildhibaanimo u rabay Cabdiraxmaan Sheikh Xuseen Goley oo ka mid ahaa Xerta Macalin Nuur, arintaas oo Xildhibaan Cabdulqaadir ku guul dareystay, ilaa haddana dagaalkaasi ku jiro.
Xildhibaan Mahad Cawad 
• Xildhibaan Mahad Cawad oo kasoo jeeda beesha Dir/Sure ayaa dhaqaale ka hela siyaasiyiinta diidan horumarka Muqdisho ayaa inta badan baarlamaanka mooshinada caqabada ku ah horumarka Muqdisho, Xildhibaan Cawad ayaa kamid ah xildhibaanada ku qanacsan inaysan Xamar degin, dhaqaalaha Xamar kasoo baxana loo qeybsado 5 beelood ama wasaarado beelahaas metelaya, aana marna laga hadlin dhaqaalaha Dekedaha iyo Garoomada kale ee Soomaaliya.
• Xildhibaan Mahad Cawad ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu u eg yahay nin dhaqaale ku soo qaatay in dhamaan Kanbaniyadda Turkiga iyo Mashaariicda Dalka Turkiga ka wado Muqdisho in tushuush lagu furo ama Baarlamaanku joojiyo, sida Kanbanigii balan qaaday dib u dhiska Dekeda Muqdisho, Kanbaniga haatan gacanta ku haaya Garoonka Muqdisho oo balan qaaday dib udhis balaaran inuu ku sameyn doono garoonka Muqdisho.
• Xildhibaan Mahad Cawad ayaa la shegayaa inuu ka mid yahay siyaasiyiinta aaminsan in Beesha Hawiye la isugu keeno Muqdisho, Muqdishana laga dhigo meel shirko lagu yahay, Koofurtana laga soo barakiciyo isaga oo qeyb ka ah siyaasadda Raisul wasaaraha Cabdiweli uu ku doonayo in Kooxda Kaanbooniyiinta Gacanta loo geliyo Gobolada Jubada Hoose, Jubadda Dhexe iyo Gedo, sidoo kalana Gobolada Bay, Bakool iyo Sh/hoose gacanta loo geliyo Kooxda Shariif Hassan, sidoo kalana madaxweynaha xilka laga qaado ama laga dhigo Madaxweyne maqaarsaar ah oo aan awood lahayn.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada