Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beeniyay in beelo gaar ah uu kula kulmay Shabeelaha Hoose

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beeniyay in beelo gaar ah uu kula kulmay Shabeelaha Hoose

daajis.com:-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa beeniyay in beelo gaar ah uu kula kulmay Gobolka Shabeelaha Hoose, intii uu ku guda jiray booqashadiisa gobolkaas ee todobaadkii hore.

Mr C/wali ayaa sheegay in aanay jirin cid uu si gaar ula kulmay, isla markaana uu si guud bulshada ku dhaqan gobolkaas uu ula kulmay.

Ra'iisul Wasaare C/wali oo shalay gelinkii dambe shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in bulshada gobolkaas uu kala hadlay sidii ammaanka loo adkeyn lahaa, loona soo celin lahaa xiriirkii walaaltinimada ee ka dhaxeeyay dadka ku nool gobolkaas.

Sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhowaan ciidamo boolis iyo nabadsugid geyn doonaan gobolka, si ay uga qeyb qaataan howlaha sugida amniga, isagoo amaanay doorka dadka ku nool gobolka oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad raba nabada.

Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in safar dhulka ah uu kaga soo baxay Qoryooley, isla markaana aanay jirin wax weerar ah oo ay la kulmeen kolonyadiisa, waxaana uu xusay in deegaanada gobolka inta badan laga saaray Shabaab.

Shacabka ku dhaqan magaalada Marka ayaa Ra'iisul Wasaaraha u gudbiyay cabashooyin kala duwan oo ay ka mid tahay dhibaatooyin ay kala kulmaan ciidamada, waxaana uu balan qaaday Ra'iisul Wasaaruhu inuu wax ka qaban doono.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ahaa gobolada laga soo sheegayay dhibaatooyinka amni darada iyo dagaal beeleedyo, waxaana jiray cabashooyin dadka ka muujinayeen isbaarooyin ay soo dhigteen ciidamo ku labisan dareyska dowladda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada