Dhinacyadii ku hardamayay dalka Koonfurta Sudan oo heshiis gaaray

Dhinacyadii ku hardamayay dalka Koonfurta Sudan oo heshiis gaaray

daajis.com:-Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo hoggaamiyaha fallaagada dagaalka kula jirta dowladdiisa Riek Machar ayaa wada saxiixay heshiis nabadeed kaddib colaad socotay muddo shan bilood ah.

Heshiiskaasi ayaa ku baaqaya xabbad joojin deg deg ah iyo dhismaha dowlad ku meel gaar ah, ka hor inta aan la qorin dastuurka cusub ee dalkaasi isla markaana doorashooyin cusub laga qabanayo.

Colaadda ka jirta dalkaasi ugu da’da yar caalamka ayaa waxaa ku dhintay kummanaan qof, in kabadan hal milyanna waa ay ku guryo beeleen.
Xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka John Kerry ayaa sheegay in heshiiskaasi uu noqon karo mid horumar gaarsiiya mustaqbalka dalkaasi Koonfurta Suudaan.
Qaramada Midoobey ayaa ku eedeysay dowladda Koonfurta Suudaan iyo fallaagaduba dambiyo ka dhan ah aadanaha sida hal mar oo la laaya dad badan iyo kufsiga dumarka.
Garabyadani iska soo horjeeda ayaa jimcihii ku saxiixay heshiiskani caasimadda dalka deriska ah ee Itoobiya kaddib kulankii ugu horreeyay oo fool ka fool ah oo ay yeeshaan tan iyo billowgii colaadda.

Weriyaha BBC Emmanuel Igunza ayaa sheegaya in heshiiskani uu ku baaqaya xabbad joojin muddo 24 saac gudahood ah, taasi oo dhaqangaleysa kaddib marka la saxiixa heshiiska, waxaana marka xigta laga wada shaqayn doonaa heshiis rasmi ah.
Madaxweyne Salva Kiir iyo Riek Machar ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan amar deg deg ah oo ciidamadooda ay ku joojinayaan dagaalka isla markaana lagu oggolaanaya in gargaarka bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka tabaalaysan.

Ilaa iyo hadda ma cadda cidda soo dhisi doonto dowladda ku meel gaarka ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada