Al-Shabaab:- oo ka hadashay sababta ka dambeysa Dagaalka kasoo cusboonaaday Gobolka Shabeelaha Hoose

Al-Shabaab:- oo ka hadashay sababta ka dambeysa Dagaalka kasoo cusboonaaday Gobolka Shabeelaha Hoose

daajis.com:-Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadashay dagaal beeleed kasoo cusboonaaday Degmooyin iyo Deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose kaa oo u dhaxeeya labo beel oo walaalaha oo Gobolkaasi wada daga.

Gudoomiyaha Al-Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dagaalka kasoo cusboonady Gobolka Shabeelaha Hoose ay ka dambeeyaan Masuuliyadeedana ay leeyihiin Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Ciidakada AMISOM.

Abuu Cabdalla ayaa xusay in dagaalka uu ka dhashay hirgelinta nidaamka Federaalka ee Soomaaliya,waxa uuna intaa raaciyay in Shacabka Gobolka Sh/hoose aysan dooneyn in hirgelinta nidaamkaasi.

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Sh/Hoose ayaa xusay in Maalmihii lasoo dhaafay dagaal qaab beeleed ku saleesan uu ka dhacayay Magaalada Marka, Janaale iyo Shalanbood ,waxa uuna sheegay in dagaalada soo cusboonaaday ay dadka soo xasuusinayaan xiigii Hogaamiye kooxeedyada dalka ka talin jireen.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin hadii ay Al-Shabaab yihiin dagaalada kasoo cusboonaaday Gobolka Sh/Hoose , waxa uuna tilmaamay in ay dadaal ku bixin doonaan daminta colaadaha soo cusboonaaday.

Hadalka Al-Shabaab ayaa imaanaya xili Gobolka Sh/Hoose ay maalmahan kasoo cusboonaatay xiisad u dhaxeeysa labo maleeshiyo beeleed oo wada daga Gobolkaasi , Dowlada Soomaaliya ayaana ku baaqday in la joojiyo dagaalada iyo xiisadaha dagaal ee soo cusboonaaday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada