Daawo Sawirada:-: Maraakiibta dagaalka Turkiga oo Muqdisho kusoo xirtay iyo madaxweynaha oo booqday

Daawo Sawirada:-: Maraakiibta dagaalka Turkiga oo Muqdisho kusoo xirtay iyo madaxweynaha oo booqday

daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa wafdi Turkish ah ku qaabilay markab kusoo xirtay Dekadda magalaada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada badda ee dalka Turkiga, iyadoo sidoo kale kulanka ay goob joog ahaayeen qaar ka mid ah wasiirada xukumadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay markabka gudahiisa ayaa dowladda Turkiga kaga mahad celiyay deeq daawo ah oo ay dowladda Turkiga ugu talagashay isbitaalada dowladda Turkiga ay ka hir galiyeen magaalada Muqdisho.

“Aad baan ugu mahad celinaa walaalaha Turkiga ee had iyo jeer jecel inay na garab istaagaan, deeqda daawada ah ee maanta ay ina soo gaarsiiyeen waan idinkaga mahad celinaaa ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa intii uu ku sugnaa gudaha maraabiitaasi la sheegay inuu kormeeray, waxaana wafdigaan hogaaminayay taliyaha ciidamada badda ee dalka Turkiga Rear Admiral Ali Murat.


Taliyaha ciidamada badda Turkiga Rear Admiral Ali Murat ayaa sheegay in safarka ay muqdisho ku yimideen ay qayb ka tahay safari ay ku marayaan dalalka Afrika.













FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada