Dowlada Soomaaliya oo aqoonsaneysa mid kamid ah Maamuladii Magaalada Baydhabo looga dhawaaqay

Dowlada Soomaaliya oo aqoonsaneysa mid kamid ah Maamuladii Magaalada Baydhabo looga dhawaaqay

daajis.com:-Warar soo baxaya ayaa sheegaya Dowlada Federaalka Soomaaliya ay dooneyso in ay aqoonsato mid kamid ah maamuladii isdiidanaa ee bilo kahor looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay .

Wadahadalo ay Dowlada garwadeyn ka aheyd una dhaxeeyay labada Maamul ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kooban lixda Gobol iyo midka sadaxda Gobol ayaa ugu dambeyn la isku afgartay in la mideeyo labada maamul lagana dhigo mid ka kooban Sadaxda Gobol ee kala ah Baay , Bakool iyo Sh/Hoose.
                        madax weynaha 3 gobal maxamed shiikh nur madeer
Maalintii shalay ayaa la filayay in munaasabad lagu mideenayo labadaasi maamul lagu qabto Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, hasa ahaatee khilaaf mar kale soo baxay ayaa la sheegay in dib u dhac uu ku yimid Munaasabadaasi.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in maanta laga yaabo in Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka in lagu qabto Munaasabad lagu mideenayo labada Maamul ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qorshahan lagu mideenayo labada maamul waxaa garwadeyn ka ah R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka , waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in Madoobe Nuunow lagu qanciyay in uu ka tanaasulo maamulka Lixda Gobol uuna ku biro midka Sadaxda Gobol.

Dhinaca Kale Maamulka Shabelle State oo iyagu sheegtay Gobolka Sh/Hoose ayaa dhankooda kasoo horjeeda qorshaha ay dowlada Soomaaliya ku aqoonsaneyso Maamulka Sadaxda Gobol , waxa ayna ku eedeeyeen in R/Wasaaraha uu arintaasi dabada ka riixayo.

Waxaa soo baxaya in wali jiraan Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya oo kasoo horjeeda Qorshaha lagu mideenayo labada Maamul ee Koonfur Galbeed Soomaaliya , waxaana suurto gal ah in uu dib u dhaco Munaasabada lagu shaacin lahaa in la mideeyay Maamulka Koonfur Galbeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 14:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada